Wariye Xiis oo saakay lagu wado in lagu aaso degmada Wadajir

Wariye C/salaan Sheekh Xasan (Xiis) oo shalay galab lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in saakay lagu aaso qabuuraha Sheekh Cali Suufi ee degmada Wardhiigleey.

saxafigaan waxaa dilay nin ka tirsanaa ciidamada dowlada sida ay sheegayaan warar saakay soo baxay, waxaana la isla dhax marayaa in loo malaynayo in loo dilay arimo siyaasdeed oo dowlada dhexdeeda ah inkastoo warkaasi uusan xaqiiqsaneyn.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa cambaareysay dilka wariyahan, waxaana afhayeenka Xukumada C/ramaan Yariisoow uu ku tilmaamay fal naxdin leh.
Bahda warbaahinta iyo dadweyne fara badan ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan aaskiisa oo la diyaarinayo xiligaan.

C/salaan Xiis ayaa ka tirsanaa TV-ga Horn Caple ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, horay wuxuu ugu soo shaqeeyey TV-ga Universal iyo sidoo kale idaacadaha Radio Banaadir iyo Radio Jowhar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.