Wariye warbixin xaqiiqo ah ka qoray Khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal waaraha

Xasan iyo SaacidWariye Cabdikariim Cali kaar ayaa warbixin ka qoray Jimcaha Maanta Khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Wariyaha ayaa qoraalkiisa ku billaabay: Khilaafka madaxweynaha iyo raysulawaarahu waa wal walka ugu weyn ee maanta Soamaaliya haya meel walboo ay joogto waxaase la yaable, yaanu sugaynaa oo xalinaya dhibkan? yaase xalin kara?

Waxaa aniga iigu darnayd markii Gudoomiyaha baarlamaanku yiri xildhibaanadu haka aamuseen! Baarlamaanka oo ah halka ay wax walba ku biyo shubanayaan, hadaanay ka hadlin waxa jira oo anay lahadlin nimankan shacabka daalan ku dul dagaalamaya, Waa su’aale, yaa kale oo ka hadli kara?

Raysal Wasaare Saacid wuu socon, laakiin wuxuu ka tagi Madaxweyne Xasan oo dhaawacan, siyaasad ahaan u dhaawacan sumcad ahaanna u dhaawacan oo awoodiisu inta manta ka yartahay. Waayo Waxaan wada xusuusanaa in markii Cali khaliif tagay, Cabdiqaasim siyaasiyan u dhaawacmay, oo markii Cali Geedi tagay, Cabdulaahi Yuusuf siyaasiyan u dhaawacmay oo ay nuur cadde u fududaatay inuu ka adkaado, soo soco oo markii shariifku eryay Cumar Cabdirashiid, intii ka dambeysay malahayn haybad Madaxweyne maxaa yeelay intay joogeen farmaajo iyo Cabdiwali shariifku muxuu ahaa magic u yaal, aakhirkiina taasi waxay sabab lama ilaawaana u noqotay guul daradiisii doorashada.

Maanta hadii Raysal Wasaare Saacid sidan ku tago, waxaan shaki ku jirin in Madaxweyne Xasan Sheekh, dhaawac siyaasadeed gaari doono oo uu u nuglaan doono raysul wasaaraha cusub. Waxaana suurta gal ah in tani bilow u noqoto bur burka mustaqbalka siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa muhiim ah inaan xusuusnaano in Madaxweyne Xasan, baarlamaanku ka qaaday awoodii uu ku kala diri karay, oo aanu waxba ka qaban karin hadii baarlamaankan lama taabtaanka ahi uu wuxuu doono ku talaabsado. Madaxweyne Xasan isagoo sharciyan sidaa u tabar yar haduu haddana galo dood iyo dagaal hoose, waxaa inta wax kala garanaysa u muuqanaysa inaanay maalin walba ciid ahayn.

Maanta waxaa somaliya ka saari kara khalkhalkan siyaasadeed waa baarlamaanka, laakiin waa hadii ay si xilkasnimo le u dhaqmaan oo ay gutaan waajibkooda iyagoo hore u marinaya dastuurka si cadna u kala qeexaya labada awoodood ee Madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha.
Labada masuul mawada saxsana mana wada khaldana.

W/Q: Abdikarim Ali kaar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here