Wariye Soomaaliyeed oo soo duubay rafaadka qoxooti ku dhibaateesan Hong Kong

Maahir oo ku rajo weyn in Kaamiradiisa ay soo bandhito dhibaatooyinka heesta dadka magangalyo doonka ah
Maahir oo ku rajo weyn in Kaamiradiisa ay soo bandhito dhibaatooyinka heesta dadka magangalyo doonka ah

Wargeyska South China Morning Post, ee ka soo baxa dalka Shiinaha ayaa qoray warbixin uu uga hadlaayo wariye Soomaaliyeed oo baaray soona bandhigay rafaadka qoxootiga ka yimaada geeska Afrika.

Wariye Maahir ayaa baaray soona bandhigay isaga iyo Talafishankiisa, tacadiyo loo geesto qoxootiga Afrikan ka ee gaara dalka Hong Kong.

Wax yaabaha uu baaray waxaa ka mid ah askarta oo kufsada dumarka qoxootiga, waxaana ay billow u noqotay warbixintiisa in lagu soo baraarugo dhibaatada lagu hayo qoxootiga magangalyo doonka ah.

Wuxuu wareysi la yeeshay haweeney ay kufsadeen ciidamada Hong Kong.

Maahir, oo ah 26-jir ayaa sheegay in uu is qarinaayo maadama qoyskiisa uu ku laabtay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dadka magangalyo doonka ay la kulmaan dhbaatooyin waaweyn oo ay ka mid tahay in lagu xiro goobaha lagu xanaaneeyo xoolaha.

Wuxuu sheegay in uu arkay dhowr dumar oo ay kufsadeen ciidamada dowladda Hong Kong,kana cabsanaya in ay sheegaan dhibka soo gaaray.

Maahir ayaa tilaamay in dalka Hong Kong ay ka dhisan yihiin kooxo burcad ah oo isku xiran kuwaasoo lacago ka qaata dadka soo galootiga.

Mar la weydiiyay sidda uu ku shaqeyo, wuxuu tilmaamay in uu qaab qarsoodi ah uu ku doobo warbixinada iyo sawirrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here