Wariye Nabad Sugida Gurigiisa kala Baxeen Muqdisho

Wariye C/risaaq Cumar Axmed (Siiriya) oo ka mid ah Saxafiyiinta Madaxa Banaan ee ka howlgalayey Magaalada Muqdisho ayaa waxa xalay xabsiga loo taxaabay xilli uu kusugnaa meel ku dhaw gurigiisa.

Wariye Cabdirisaaq Cumar Axmed (Siiriya)
Wariye Cabdirisaaq Cumar Axmed (Siiriya)

Wariyaha ayaa markii hore ciidan katirsan Nabad Sugida waxay ka raadiyeen guri uu ka deggenaa Degmada Boondheere nasiib daro waxay ugu tageen Xaaskiisa iyagoo hore usoo kaxeystay inkastoo wadada markii ay soo marayeen ayaa la qabtay C/risaaq Siiriya oo guriga usii socday.

Wiil la dhashay C/risaaq Siiriya ayaa warbaahinta Muqdisho qaarkood usheegay in walaalkiis lagu Eedeeyey Al Shabaabnimo laguna xiray Xabsi ku yaalla Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

C/risaaq Siiriya ayaa hore uga soo shaqeeyey Idaacadii Quraanka Kariimka iyo Radio Kulmiye uu kasoo shaqeeyey.

Ehelada Wariye C/risaaq Cumar Axmed oo aan la xiriirnay ayaa waxay sheegeen inaysan ogeyn waxa keenay in wiilkooda la xiro ayna ka hari doonin inta falka lagu heysto ay kasoo ogaanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here