Wariye Muqdisho lagu xiray

Wariye Muqdisho lagu xiray
Wariye Muqdisho lagu xiray

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu xiray wariye ka tirsan Idaacadaha Muqdisho.

Wariyaha la xiray oo lagu magacaabi jiray Nuurudiin Xasan Ibraahim waxaa soo xiray ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan hey’adda dambi baarsita ee CID-da.

Wariyaha ayaa la sheegay in uu yahay Tafaftiriha Idaacada SKY NEWS oo ka mid ah idaacadaha sidda gaarka loo lee yahay ee ku yaalla Muqdisho.

Wariyaha ayaa la sheegay in loo heesto eedo loo soo jeediyay waxaana hadda su’aalo weydiinaha hey’adda CID-da oo xarunteeda ayuu ku xiran yahay.

Wariyaha oo maanta tagey Xarunta CID-da, ayaa waxaa si lama filaan ahayd loogu xiray Xaruntaasi, xilli aan la weydiin wax su’aalo ah.

Ma aha markii ugu horeysay oo inta wariye looga yeero xarunta CID-da, deetaan xabsiga la dhigo, xilli uu filaayay in wax laga weydiiyo war uu baahiyay, horrey wariye Cabdicasiiis Koronto ayaa siddaas lagu sameeyay kaddib markii uu wareestay haweeney sheegtay inb ay kufsadeen rag ka tirsan ciidamada dowladda..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here