Wariye Maxamed Sharifka oo si xun loogu dhaawacay Muqdisho

War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay si xun u dhaawaceen wariye Maxamed Sharif oo ka mid ah saxafiiyinta Radio Bar-kulan iyo wariyaasha ugu caansanaa Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in todobo xabadood lagu dhiftay xilli uu kasoo baxay xarunta TV-ga Horn Cable oo ku yaala degmada Xamar Jajab waxaana uu kusii jeeday xaafadiisa oo ku taala degmada Waabari.

Waxaa la leeyahay dhaawaciisa aad ayuu u daranyahay iyadoo warar kalana ay sheegayaan inuu geeriyooday.

Ma jirto faah faahin kale oo intaasi dhaaf siisan oo aan idin kaga heyno, hase yeeshee wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.