Wariye Maxamed Nuxurkey oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray qarixii maanta

Allaha u naxariisto waxaa Isbitaalka Xalane ee AMISOM maamusho ku geeriyooday wariye Maxamed Cali Nuxurkey oo ka tirsanaa shaaqalaha idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarixii maanta ka dhacay guriga fannaaniinta Ex-Fiyoore, waxaa la sheegay in ay ka go’day gacantiisa midig, isla markaana uu si xun ugu dhaawacmay qarax.

Markii horre waxaa loo qaaday isbitaalka Madiina, laakin mar dambe ayaa loo soo qaaday isbitaalka Xalane halkaas oo markii dambe uu ku dhintay.

Waxaa kaloo la sheegay in uu isna dhaawac soo gaaray wariye Cabdirishiid Ibraahin oo ka tirsan isna idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa la sheegay in dhaawiciisa lagu daweynayo isbitaalka Madiina isaga iyo dhowr qof oo kale oo ku dhaawacmay qarixii maanta.

Marxuum Nuxurkey oo dhowr idaacad ka soo shaqeeyay ayaa ifka kaga tagay xaas iyo hal carruur ah, dhammaan maamulka shabakadda Midinimo waxa ay tacsi u direysaa qoyskiisa iyo dhammaan asxaabtii uu ka baxay wariyaha waxaana alle uga baryeenaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo aamiin ammaan.

Isku soo duub qarixii maanta waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof halka 20-kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, taliyaha nabad sugida gobalka Banaadir Khaliif Axmed Irig ayaa beeniyay in uu ku dhaawacmay qaxixii maanta, waxaana uu sheegay in uu ka badbaaday.

Khaliif Irig ayaa intaas ku daray in qaraxa uu ku dhintay askari ka tirsan ilaaladiisa seddax kalenaa ay ku dhaawacmeen.

Waxaa sheegtay qaraxaas masuuliyadiisa xarakada Al-Shabaab, iyagoona sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here