Wariye ka tirsan Radio Shabelle oo galabta si xun loogu dhaawacay magaalada Muqdisho

Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo ka tirsanaa idaacada Shabelle ayaa galabta si xun loogu dhaawacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen dad goob joog ah, Tuuryare ayaa waxaa toogtay laba nin oo ku hubeesnaa bistoolado kuwaasi oo weeraray xilli uu gali rabay gurigiisa oo ku yaala xaafada xaawa Taako ee degmada Wadajir kadibna goobta ka baxsaday.

Dhaawaca ayaa waxa uu kasoo gaaray qeybaha sare ee jirkiisa waxaana loola cararay isbitaalka Madina oo uu haatan ku jiro, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in xaaladiisa ay tahay mid halis ah.

Radiyaha uu ka shaqeeyo ee Shabelle ayaa ku dhawaaqay inuu geeriyooday wariyaha marki hore isaga oo joojiyey barnaamijyada iyo wararka iyada oo ku badashay aayadaha Qur,aanka Kariimka ah.

Waxa uu noqonayaa dilka Tuuryare, wariyihi labaad oo ka tirsan Shabelle oo lagu dhaawacay Muqdisho, saiyo saxafigii sadexaad oo looga dilayo caasimada Muqdisho.

Sanadkaan gudahiisa Muqdisho waxaa lagu dilay in ka badan 10 saxafi, halka lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here