Wariye galabta lagu gowracay Muqdisho

 Wariye lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cali oo lagu sheegay inuu ka mid ahaa bahda saxaafada ayaa maanta isaga oo qoorta laga jaray meydkiisa laga helay xaafada Suuqa Xoolaha.

Saxafigan ayaanan wali la cadeyn xarunta uu u shaqeeyo laakin waxaa lagu tilmaamay inuu u shaqeynayey mid ka mid ah baraha internetka ee ku hadlo afka Soomaaliga.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay koox hubeysan qabsadeen xilli uu ku guda jiray booqasho uu booqanayey dad ay qaraabo yihiin, waxaana aad uga naxay dadki yaqaanay ee arkay meydkiisa.

Ciidamo ka tirsan dowlada oo goobta tagay ayaa qaaday meydka, waxaana uu noqonayaa saxafigi shanaad ee todobaad gudahiis lagu dilo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here