Wariye Gaalkacyo ku geeriyooday

1450064_783175555032725_606679838_nAllaha u naxariisto waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug saakay ku geeriyooday wariye Cali Maxamed Cali (Cali Suldaan), oo ka mid ahaa wariyaasha ugu caansan deegannada Puntland.

Marxuumka ayaa waayahan dambe ku jiray isbitaalka oo uu ku xanuunsanaa sida ay sheegeen wariyaasha Gaalkacyo.

Waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu marxuumka magaalada Gaalkacy0.

Geerida marxuumka waxaa ka naxay dhammaan wariyaasha ka howgalla deegannada Puntland iyo Soomaaliya, waxaana ay alle uga baryeen in uusan ku dhibin qabrigana jannadana alaha geeyo.

Cali Maxamed Cali (Suldaan) ayaa lasoo shaqeeyey warbaahin kala duwan oo kuyaalla gobolka Mudug,waxaana uu noqday xitaa mar Agaasimihii Radio Daljir qeybta Gaalkacyo isagoo hadda ahaa wakiilka Tv-ga Horn Caple Koonfurta Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here