Wariye Fantastic oo lagu wado in maanta lagu aaso Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in lagu aaso qabuuraha Sheekh Suufi ee magaalada Muqdisho agaasimihi idaacada Shabelle Xasan Fantastic oo ay xalay kooxo hubeysan ku dileen degmada Wadajir.

Qaban qaabo xoog leh oo ay wadaan ehelada saxafiga iyo qaar ka mid ah wariyaasha ayaa haatan soconeyso, waxaana lagu wadaa in aaskiisa ay kasoo qeybgalaan saraakiil ka tirsan dowlada.

Xasan Fantastic oo ahaa 30 jir aabe u ahaa sadex caruur ah oo kala ah laba gabdhood iyo hal wiil ayaa waxaa dilay laba wiil oo dhalinyara ah kuwaasi oo todobo xabadood kaga dhiftay lugaha ilaa madaxa, xilli uu sii galayey gurigiisa oo ku yaala xaafada Jiira-Miskiin.

Dilkiisa ayaa waxaa cambaareeyey qeybaha kala duwan ee bulshada, ururuada saxafiyiinta iyo dowlada KMG Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.