Wariye C/salaan Xiis oo lagu aasay magaalada Muqdisho (sawiro)

ALLA ha u naxariistee waxaa galabta casirki lagu aasay magaalada Muqdisho wariye C/salaam Sheekh Xasan Xiis oo shalay nin ku labisnaa dareyska ciidamada ku dilay degmada Xamar Jajab.

Aaska wariyaha oo ka dhacay qabuuraha Sheekh Cali Suufi ee duleedka Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal dad weyne ah kuwaasi oo aad uga tiiraanyesnaa dilka wuxushnimada ah ee loo geystay C/salaam.

Inta badan wariyaasha magaalada Muqdisho ayaa ka qeybgalay goob joogna ahaa marki dhinaca dhulka loo dhigayey, waxa wariyaasha oo isugu jiray hablo iyo wiilal ay ku kala labisnaayeen dhar kala nooc ah, gabdhaha oo watay maryo cad iyo wiilasha oo madaxa kusoo xirtay maro guduudan oo ay ku muujinayeen dhiiga laga daadiyey marxuumka.

Geeridiisa waxaa ka naxay dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida, gaar ahaan shacabka Muqdisho.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay baarayaan waxa keenay dilka wariyaha iyo askari lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey dilkiisa.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo wariyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka hor inta uusan u duulin magaalada Garoowe ayaa ka tacsiyeeyey.

C/salaan Xiis waxa uu ka tirsanaa idaacada VOD iyo TV-ga Horn Caple ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

 


 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. waxaan tacsi u dirayaa qoskii iyo qaraabadii u katagay allaha u naxariistee marxuum c/salaan shiikh xasan(xiis) aad ayaana uga xumahay sida waxashnimada leh ee loo dilay.

Comments are closed.