Wariye C/qadir Nunow oo xoriyadiisa dib u helay

Wariye C/qadir Maxamed Nunow oo in ka badna lix bilood ku jiray xabsi ku yaala dalka Mareykanka ayaa hada dib u helay xoriyadiisa.

Hadal uu ku shaaciyey boga uu ku leeyahay Facebook ayuu ku sheegay in xabsiga laga soo sii daayey isaga oo ka sheekeeyey sida lagu xiray iyo cida ka danbeysay.

Qoraalki uu ku shaaciyey bogiisa internetka waxa uu u qornaa sidan:-

“Saaxiibayaal dhammaantiin waan idiin salaamay, waxaan ka soo baxay xabsigii caadiga ahaa ee lagu baarayay been abuurkii qaawanaa ee ka soo yeerayay ninka cuqdaddu dillootay ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yibirow, oo horey caan ugu ahaa qabyaalad iyo kooxeysi uu ku ku kala qeybqeybiyay wariyeyaasha ka hawlgala Idaacadda VOA Somali, laakiin hadda uu bilaabay inuu shaqo ka dhigto fataalnimo. Xarigga… aniga igu dhacayna wuxuu ahaa mid loola dan lahaa gabar uu Yibirow si gaar ah bartilmaameedsanayay kulana dagaalamay arrimo salka ku haya qabiil iyo lacag uu ku doonayay Viisaha ay sida sharciga ah gabadhaasi ugu timid dalkan Maraykanka.

Yibirow ayaa caan ku ahaa la dagaalanka rag iyo gabdho ka shaqeynayay Idaacadda VOA dagaal salka ku haya qabyaalad, hase yeeshee arrintu sidii hore way ka duwan tahay, wuxuu bilaabay inuu la dagaalamo gabdhaha bannaanka jooga ee aan Idaacaddaba ka shaqeyn. Saaxiibayaal aniga xariggii waan ka soo baxay, reerkeygii ayaan Virginia la joogaa iyo caruurteyda. Gabadhii shirqoolka loo wadayna way ka badbaadday. Laakiin Fataalnimadii uu sameeyay isaga ayay Tuke cambaar leh ku noqotay.

Intii aan ku jiray gacanta dowladda Maraykanka waxaa layla dhaqmay si sharaf leh, markii dambena si sharaf leh ayaa la ii sii daayay.

Hadal iyo dhammaantii, saaxiibayaal Siro badan oo la xiriira Yibirow iyo xulafadiisa iyadoo dhammeystiran ayaan idiin soo daabacayaa. Taasina waxaan cinwaan uga dhigayaa Fadexaddii Yibirow (Yibirow Scandal).”

Ma cada warka Nuunoow inuu sax yahay iyo in kale, sidoo kalana ma jirto wax war ah oo kasoo baxay mas,uulka uu ku eedeeyey inuu ka danbeeyey xarigiisa.

C/qadir Nunoow ayaa ka mid ahaa wariyaashi ugu fiicnaa ee laanta afka Soomaaliga ee idaacada VOA, isaga oo horayna uga howlgali jiray idaacada SPC ee magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.