Wariye caan ka ahaa Soomaaliya oo galabta lagu dilay Muqdisho


Waxaa galabta lagu dilay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho wariye C/salaan Xiis oo ka mid ahaa wariyaasha TV-ga Horn Caple xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

Wariyahan oo usoo shaqeeyey idaacadaha Radio Banadir, Radio Jowhar iyo TV-ga Universal ee xaruntiisu tahay magaalada London ayaa waxaa madaxa rasaas uga dhiftay nin ku labisnaa darees ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Midnimo.com, in uu arkay nin istaajiyey baabuur uu watay C/salaan xiis kadibna rasaas ku furay, wax yar kadib ayaa la sheegay inuu u dhintay dhaawac madaxa kasoo gaaray.

Ninka dilay oo aanan la hubin inuu ka tirsanaa ciidamada dowlada iyo inuu ahaa qof kusoo labistay dareeska ciidanka ayaa baxsaday.

Meydka wariye Xiis ayaa caawa la geeyey gurgiisa oo ku yaala xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir.

Maalinta birito ah ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com