Wariyayaal u dhashay Faransiiska oo lagu dilay Mali

_70873523_rfijournos_compositeFaransiiska ayaa xaqiijiyay in 2 Wariye oo u shaqeeynayay Raadiyaha France Internatioanl, lagu dilay Waqooyiga Mali.

Meydkooda ayaa la helay, kadib markii ay rag hubeysan ku afduubteen magaalada Kidal, ee wadanka Mali.

Claude Verlon & Ghislaine, oo wareysi la yeelanayay Hogaamiye maxali ah oo magaalada Kidal, katirsan, ayaa waqti danbe meydkooda laga helay meel banaan ah.

M/weynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa Canbaareeyay dilka labadaan Wariye.

Radio France Internationale, aya sheegay in Claude Verlon & Ghislaine Dupont, ay gaareen magaalada Kidal Bishii July, si ay usoo tabiyaan doorashada Madaxtinimo ee dalka Mali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here