Wariyaha BBC-da u Qaabilsan Muqdisho oo Goor dhow Xabsiga loo Taxaabay

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida Qaranka ayaa Maanta xabsiga u taxaabay Wariye Ibraahim Maxamed Aadan , kaasoo u shaqeynayay BBC-da Laanta Afka Soomaaliga.

Sida uu ku soo waramayao wariyaha Midnimo.Com  u qaabilsan Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa waxaa uu sheegay inay xireen ciidamada Nabada Sugida , kuwaasoo amar ka watay Maxkmada Sare ee Dalka.

Sida warar hoose ay sheegayaan wariyaha BBC-da ayaa lagu heysta Warbixin dhawaan uu ka diyaariyay maxkmada sare ee dalka , taasoo ay masuuliyiinta maxkamada sare ay u arkeen mid loogu gafay maxkamada iyo shaqadeeda.

Tifatiraha Wararka Soomaaliga ee Warbaahinta Midnimo.Com Fowzi Mohamuud Yuusuf ayaa xiriiro kala duwan la sameeyay Masuuliyiinta maxkmada sare iyo qaar ka tirsan Saraakiisha Nabad Sugida ee xabsiga u taxaabtay wariyaha , waxaana u suuragali waysay inuu helo masuuliyiintaasi.

Sidoo kale qaar ka tirsan Shaqaalaha BBC-da iyo Wareiyayaasha kale ee ka shaqeeya Muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay in wariyaha Xabsiaga loo taxaabay , iyagoo sheegay inaysan garaneynin sababta loo xiray wariyaha.

Maxamed Ibraahim Aadn waa wariyayaasha ugu fir fircoon BBC-da qeybta Muqdisho , wuxuuna waayahan dambo soo dirayay warbixino aysan ku jirin wax loo xiro , inkastoo inta badan ay masuuliyiinta Dowlada hadalka saxafiyiinta ay u turjumaan dhanka xumaanta.

wixii warar ah ee ku so kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here