Wariyaasha oo xiligaan ku mudaaharaadayo afaafka hore ee madaxtooyada

Wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa xiligaan wado mudaaharaad ay ku dalbanayaan in cadaalada lagu horkeeno ninki ka danbeeyey dilki wariye C/salaan Xiis.

Saxafiyiinta oo socod kasoo bilaabay qeybo ka mid ah degmada Xamar Weyne ayaa isugu soo aruuray afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Vila Somalia iyaga oo wata boorar ay ku qoranyihiin erayo ku aadan in sharciga la hor keeno ninka loo hayo dilka wariye Xiis.

Waxa qaarkood ay sheegayaan in ay maqleen warark sheegaya in lasii daayey ninka looga shakisanyahay inuu dili wariye Xiis kaasi oo sida la sheegay lagu magacaabo Xiis.

Ninkaan ayaa la qabtay maalin ka hor, waxaana madaxda hey’ada danbi baarista dowlada ay balan ku qaadeen in ay baari doonaan arinta ku saabsan ninka loo hayo dilka wariye C/salaan xiis, hadi ay ku cadaatana ay maxkamad soo taagi doonaan.

C/salaan xiis ayaa waxaa lagu dilay degmada Xamar Jajab todobaadki hore waxaana dilkiisa aad u cambaareeyey dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.