Wargeysyadda Maxay Qoreen Maanta oo Sabti ah ?

Observer-Sports-sectionAkhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga shabakadda Mindimo, waxaan idiin wadnaa maanta oo Sabti ah 24.08.2013-ka wararkii ugu dambeeyay ee wargeysyada caalamka.

Aan ku billowno :Real Madrid oo beegsaneysa Suarez haddii Benzema uu dhaqaajiyo

Sida uu qoray Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, kooxda Real Madrid ayaa ku tala jirta in la soo wareegto weerar yahanka Liverpool, Luis Suarez haddii Karim Benzema uu ka tago kooxda Spanish-ka .

Source: The Guardian

Roma oo ka faa’ideesaneysa Ljajic

Sida uu qoray wargeyska Corriere dello Sport Sabtida maanta ah Adem Ljajic ayaa diidday in uu kordhiyo heshiis-ka uu kula joogo kooxda Fiorentina, wuxuuna rabaa in uu ka tago kooxda.

Haddaba kooxaha sida weyn u doodanay ciyaaryahankan waxaa ka mid ah Roma iyo Milan.

Rooma waxa ay lacag badan ku siineysa Erik Lamela Tottenham oo uu ka tagay xidigooda Garreth Bele.

Arsenal oo bartilmaameed ka dhigatay Viviano

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, kooxda Arsenal ayaa u dhaqaaqday Emiliano Viviano.

Ciyaaryahanka reer Talyaani ayaa xagaagii hore ayaa qaab amaah kula joogay kooxda Palermo oo ka hartay horiyaalka.

Kooxda Serie A-da ayaa 27-jirkan ku rabta lacag kaash ah.

Tottenham oo ku rabta €10m Chiriches

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in kooxda Tottenham ay markale dib wadahadal ula furtay difaaca dhexe ee kooxda Steaua Bucharest Vladimir Chiriches.

Ciyaaryahanka reer Romania ayaa lagu qiimeeyay lacagtiisa €10 million.

Sergio Ramos oo ku soo wajahan Mourinho iyo Chelsea

Wargeyska PuntoPelota ayaa qoray Sabtida maanta ah in Sergio Ramos uu ku dhow yahay in uu ku soo biiro ciyaartoyda kooxda Chelsea iyo Jose Mourinho xagaaggan.

Macalinka Portuguese-ka ayaa u arka ciyaaryahankan in ka xoojin karo dhinaca difaaca.

Arsenal oo ku celisay inay rabto Williams & Richards

Wargeyska Daily Star ayaa qoray in kooxda Arsenal ay u dhaqaaqday siddii ula soo wareegi lahayd difaaca dhex ee kooxda Swansea City Ashley Williams iyo difaaca kale ee naadiga Manchester City Micah Richards.

Ajax oo ku gacan seertay codsi uga yimid Atletico Madrid

Wargeyska Het Nieuwsblad ayaa qoray Sabtida maanta ah, in kooxda  Ajax ay ku rabto €7.5 million si u fasaxdo xidigga reer Belgium.

Xidiggan ayaa waxaad u baadigoobaya Atletico Madrid, in kastoo kooxda Spain ay ku rabto lacag yer.

Inter oo ku soo biirtay Matri

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa qoray maanta oo Sabti ah, in kooxda Inter ay ku soo biirtay baadigoobka ay ugu jirto weeraryahanka Juventus Alessandro Matri.

Sidoo kale waxaa ciyaaryahankan doonaya kooxaha Napoli, Milan iyo Roma.

1 COMMENT

Leave a Reply to Abdishakur nur abdi sabrie shirbow Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here