WARGEYSYADA IYO CAYAARAHA MAANTA

corriere-29-620x350Akhristayaasha sharrafta leh ee ku taxan Shabakadda Midnim.com, waxaan idiin lee nahayy Jimco wanaagsan, intaas kaddib naga hooya wararkii ugu dambeeyay ee wargeysyada caalamka ay ka qoreen dhinaca cayaaraha.

Aan ku billowno Neymar oo heshiis la gaaray Real Madrid sannadkii 2006                

Wargeyska AS ee ka soo baxa dalka Spain ayaa qoray Jimcaha maanta ah in kooxda Real Madrid ay diiwangashatay isagoo 14-jir ah Neymar sannadkii 2006.

Wargeyska ayaa leh xilligaas ciyaaryahanka wuxuu yimid xarunta tabbabarka kana qayb qaatay ciyaaro da’yerta ay la haayeen.

Si kastaba,madaxweyne Fernando Martin ayaa ku gacan seeray in ay bixiyaan €60,000 oo laga codsaday.

Inter oo idhaha ku heysa Fernando & Montoya

Wargeyska Tuttosport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga, ayaa qoray in kooxda Inter ay ku dhow dahay in ay la soo wareegto xidigga qadka dhexe Porto Fernando iyo difaaca Barcelona Martin Montoya, labada ciyaartoy ayaa heshiiskooda wuu ka dhammaan rabaa.

Arsenal oo seddax ciyaartoy heshiis la furtay

Sida uu qoray Daily Mirror, kooxda Arsenal ayaa heshiis cusub u soo bandhigtay xidigaha kala ah Bacary Sagna, Per Mertesacker iyo Tomas Rosicky.kooxda waqooyoga London ka dhisan ayaa ka walaacsaneed in ciyaartoydan ay weyso intii uu suuqa furnaa maadama heshiiskooda uu ku egyahay xagaaggan.

Juventus oo beegsanaysa Xabi Alonso

Wargeyska Tuttosport ayaa qoray Jimcaha maanta in kubad sameeyaha reer Span oo heshiiskiisa ku aadan la joogista Real Madrid ku eg sannadka 2014-ka in uu bartilmaameed u yahay kooxda Talyaaniga ee Juventus.

Wargeyska ayaa soo wariyay in Juventus aad u rabto ciyaaryahankii hore ee Liverpool.

Ronaldo oo diyaar la’ah in uu heshiis cusub saxiixo

Sida ay ka soo xigatay PuntoPelota illo wareedyo ku sugan dalka Spain, Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambeen saxiixay heshiis cuusb, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciyaaryahanka uu ka caga jiidayay heshiiskan.

Cayaaryahanka ayaa hadda dalkiisa ku sugan isagoona ka qaybgalaya ciyaaraha is-reebreerbka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here