Wargeesyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen Soomaaliya

Wargeyska New York times, ayaa qoray warbixin ku saabsan ballan qaad ay doowlada mareeykanka siisay doowlada Soomaaliya oo dhinaca taageerada ah.

Wargeyska ayaa faalo kabixiyay booqashadii uu magaalada Muqdisho ku tagay madaxa sare ee wakaalada samafalka mareykanka ee USAID Rajif Shah, isagoona lakulmay madaxda Soomaaliya.

Rajif, ayaa ku dhawaaqay 20 milyan oo doolar, laguna taageerayo Soomaaliya, Rajif waxa uu sheegay in kaalmadaan ay ahayd mid ay Soomaaliya ubaahnatahay, iyadoona kaalin ka gaysan doonta dhinaca cunada iyo soo celinta xasiloonida iyo dib udhiska dalka.

Wargeyska ayaa waxa kaluu sheegay in loo baahanyahay inaanu ilmo danbe Soomaaliya ugu dhiman gaajo darted, isagoona tilmaamay in ay tallaabadani daba socoto aqoonsigii doowlada mareeykanka ay aqoonsatay doowlada federalka ah ee Soomaaliya.

Al-hayat:

Wargesyka kasoo baxa magaalada London, kuna soo baxa afka Carabiga ee Al-hayaat, ayaa qoray war uu ku sheegay in madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud, uu ku baaqay ineey haboontahay in dhaqan celin loo sameeyo dhalinyarada burcad-badeeda ah.

Wargayska ayaa qoray in madaxweynaha Soomaaliya, uu ku taliyay in cafis loo fidiyo dhalinyarada burcadbadeeda,ah.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tilmaamay sida uu qoray wargeyska Al-hayat, in cafiskaasi laga reebayo kuwa ay ku raadjoogaan booliska Caalamiga ah, wargeyska ayaa sidoo kale xusay in madaxweynuhu carabka ku dhuftay, in wadaxaajood aan toos ahayn lala leeyahay odoyasha dhaqanka ee xeebaha burcad badedu ay ku badanyihiin, waxana madaxweynaha uu tilmaamay in wadahadlkaasu aanu kujirin madaxda burcadbadeeda ee iyagu marain habaabiyo dhalinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here