Wargaysyada Maanta Maxay Qoreen?

Akhristayaasha Sharrafta leh ee ku xiran bogga Shabakadda Midnimo, waxaan u soo gudbineynaa wararkii iyo warbixinadii u dambeeyay ee Wargaysyada iyo wakaaladaha adduunka ay ka qoreen dhinaca ciyaaraha.

 Cristiano Ronaldo oo la siinayo €166m

Wargayska AS ee ka soo baxa dalka Spain ayaa qoray Khamiista maanta ah in kooxda Real Madrid ay diyaar la tahay heshiis cusub oo ay la galeyso weerar yahankooda Cristiano Ronaldo, waxaana loo kordhinayaa heshiis cusub oo la gaarsiin doono ilaa bisha June 2018 waxaana uu qaadan doonaa €166 million.

PSG oo beegsaneysa Laudrup

Wargayska L’Equipe ee ka soo baxa dalka Fransiiska ayaa qoray in kooxda Paris Saint-Germain ay diyaar la tahay in la soo wareegto  Michael Laudrup si uu badalo booska uu baneenayo Carlo Ancelotti oo ka tagaya kooxda.

PSG oo u-oggolaaday Ancelotti in uu ku biiro Madrid

Wargayska Le Parisien ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa sheegay in kooxda Paris Saint-Germain ay go’aansatay in ay u oggolaato tababare Carlo Ancelotti in uu ku biiro kooxda Real Madrid  kaddib markii uu dhammeestay heshiisyadii uu kula jiray kooxda.

Inter oo hoos u dhigtay lacagta ay Barcelona ku rabto goolhaye Handanovic

Wargayska Gazzetta dello Sport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa qoray Khamiista in kooxda Barcelona ay soo bandhigtay  €23 million oo ay ku rabyo goolhaya Inter , Samir Handanovic, laakin kooxda Talyaaniga waxa ay horrey u diidday in ay oggolaado wax ka yer €30m.

Juventus oo isku diyaarinaysa Tevez in ay la soo wareegto

Wargayska Tuttosport  ayaa qoray in kooxda Juventus ayaa shaacisay in ay iibinayso Felipe Melo si ay u hesho wax ka yer €6 million , lacagtaas waxaa loo adeegsan doonaa in lagu keeno garoonka Turino weerar yahanka kooxda Manchester City,  Carlos Tevez. T

Kooxda heesta horiyaalka Talyaaniga ee Seria waxa ay horrey u soo bandhigtay heshiis seddaxsanno ah oo u heli doono halkii xilli ciyaareed €4,7m.

Atletico oo kor u qaaday baadigoobka ay ugu jirto Mario Gomez

Wargayska Kicker ayaa qoray in kooxda Atletico Madrid ay u aragtay in ay ku badasho booska uu baneeyay Radamel Falcao in uu buuxin karo weerar yahanka kooxda Bayern Munich Mario Gomez , kaasoo sidoo kale ay xiiseenayaan labo ka mid ah kooxaha Talyaaniga.

Napoli oo la soo wareegayso El Shaarawy

Wargayska Corriere dello Sport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa qoray Khamiista maant ah, in kooxda Napoli ay diyaar la tahay in ay miiska soo saartay €30 million oo uu wehliyo Blerim Dzemaili si ay u hesho Stephan El Shaarawy ,kaasoo markii uu AC Milan ku biirayay ku yimid €25m bishii January

PSG oo rabta Villas-Boas iyo Bale

Wargayska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray in kooxda heesta horiyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain ay damacsan tahay in ay la soo wareegto Andre Villas-Boas kaasoo ay dooneyso in ay ka dhigto macalinka cusub ee kooxda sidoo kale waxaa ay kula soo waragi rabtaa £85 million xidigga Tottenham Gareth Bale.

Barcelona oo rabta Torres si ay ugu xoojiso weerarka

Wargayska Daily Mirror, ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa qoray in kooxda Barcelona ay aad u rabto Fernando Torres oo la sheegay in uu ka tagayo kooxda Chelsea, laakin yabooha ay u soo bandhigtay waa mid ku kooban in weerar yahanka uu ka qayb qaadan karo doorka weerarka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here