Wareegto: C/fitaax X. Afrax oo loo magacaabay G. G. Hiiraan

afraxWareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa goor dhow xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan loogu magacaabay C/fataax Xasan Afrax, kadib markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii hore Cabdi Faarax Laqanyo.

C/fataax Xasan Afrax oo lagu tiriyo dadka saameynta ku leh Gobolka Hiiraan ayaa horay u soo qabtay xilkan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Nuqul kamid ah wareegtada kasoo baxday Xafiiska M/weynaha oo nasoo gaartay, ayaa u dhigneyd sidan.

“Markuu ogaaday Madaxweynaha mudadii KMG aheyd ee Gudoomiyenimada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, una u baahan yahay Gobolka Gudoomiye, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo dhisda Maamulada gobolada iyo degmooyinka, si musqtaqbalka u dhismaan Maamul goboleedyada, laga bilaabo maanta waxaa xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan loo magacaabay Mudane C/fataax Xasan Afrax muddo lix bilood ah”ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

C/fataax Xasan Afrax ayaa aad loo hadal hayay inuu xilkan dib ugu soo laaban doono, inkastoo ay horay u jireen warar sheegayay in loo magacaabay safiir mid ka mid ah safaaradaha dalalka carbeed, hadana ma aanay hirgelin.

Mr C/fataax ayaa mar waxaa uu isku magacaabay Maamulka Dooxada Shabelle oo mar dambe dowladdii Madaxweyne Shariif wada xaajood ay la gashay kadib loogu magacaabay in Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan uu noqdo, markii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay la wareegeen magaalada Beledweyn dhamaadkii sanadkii 2011.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo howl galo ay ka socdaan Gobolka Hiiraan, waxaana bishii hore Ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen degmada Buulo Burde iyo Maxaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here