Wareega koowaad ee Koobka Qaramada Africa oo xalay soo gaba gaboobay

Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyey wareega koowaad ee koobka Qaramada Africa kadib marki la ciyaaray Group D, iyadoo ay kasoo baxeen xulalka Ghana iyo Mali.

Mali waxay 2-1 ku garaacday xulka Botswana kulanki xalay ka dhacay magaalada Libreville kaasi oo ahaa ciyaar ku bilaabatay si layaab leh marki Botswana uu gool u saxiixay Mogakolodi Ngele kaasi oo kubad aan caadi aheyn ka geliyey goolhayaha Mali Oumar Sissoko.

Mali waxaa u bareejeeyey Garra Dembele ka hor inta uusan goolka guusha saxiixin laacibka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Seydou Keita.

Guushaasi waxay ka dhigtay in Mali ay kusoo baxaan kaalinta labaad ee Group D maadaama Ghana ay bareejo 1-1 ah la gashay xulka Guinea.

Waxay aheyd marki ugu horeysay oo ay Mali gaaraan wareega labaad ee koobka Africa mudo sideed sana ah, waxa ugu danbeysay sanadki 2004 ciyaarihi Africa ee lagu qabtay dalka Tunisia markaasi oo ay galeen kaalinta afraad.

Kulanki Ghana iyada ayaa ku gacan sareysay waxaana taasi ay u suura gelisay in ay gool ku hormaraan kaasi oo uu u dhaliyey Emmanuel Agyemang Badu, balse Guinea waxaa u bareejeeyey Abdoul Razzagui Camara, natiijadaasi ayeyna ku dhamaatay ciyaarta.

Ghana waxay isku aadeen xulka Tunisia oo ay Axada isku haleeli doonaanmagaalada Franceville, halka Mali ay isku arki doonaan Gabon magaalada Libreville.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.