Wareega 16-ka koobka Champions League oo xalay lasoo gaba gabeeyey

Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyey wareega 16-ka ee koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee Eufa Champions League.
Kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa si lama filaan ah ugu soo gudubtay wareega sideeda ee koobka Horyaalada Yurub, kadib marki ay 4-1 kaga adkaatay naadiga Napoli ee dalka Talyaaniga.

Lugti hore oo ka dhacday dalka Talyaanuga waxaa 3-1 kusoo badisay kooxda Napoli, sidaasi daraadeed Chelsea waxaa loogaga bahnaa in ay ku adkaato 2-0 ama 3-0 ama 4-1 sidaasi ayeyna kusoo baxday kadib marki loo baahnaaday in lagu daro waqti dheeri ah, maadaama ay ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac oo ah 3-1.

Branislav Ivanovic ayaa u dhaliyey goolka guusha kooxda Chelsea waqtigi dheeraadka ah ee lagu daray oo aheyd 30 daqiiqo ciyaarti ka dhacday xalay garoonka Stamford Bridge.

Kooxda The Blues kor ayey usoo kaceysay tan iyo marki la ceyriyey tababare Andre Villas kaasi oo xilka hayey wax ka yar 10 bilood, waxaana guushani ay sumcad wanaagsan siineysaa macalinka KMG ah Roberto di Matteo oo aanan wali laga badin labada kulan ee uu kooxda hagayo.

Goolasha Chelsea waxaa u kala dhaliyey Didier Drogba iyo John Terry oo kaambiyadi koowaad saxiixay, qeybti labaad waxaa gool kaga naxsaday Chelsea Gokhan Inler oo ka tirsan Napoli, laakin waxaa rigoore gool sadexaad uga dhaliyey Frank Lampard oo suura geliyey in ciyaarta ay ku dhamaato 3-1 oo ka dhigtay in labada kooxood ay yihiin bar baro, maadaama Napoili ay sidaasi oo kale kusoo badisay 3 todobaad ka hor.

Si kastbaba Chelsea waxay noqotay kooxda kaliyah ee ka nool kooxaha Ingiriiska, kadib marki ay horay usoo hareen Manchester United, Manchester City iyo Arsenal.

Dhanka kale Kooxda Real Madrid ayaa ka mid noqotay kooxihi ugu danbeeyey ee usoo gudba wareega 8-da ee koobka kooxaha horyaalkada Yurub kadib marki ay xalay 4-1 ku dhaaftay naadiga reer Russia ee CSKA Moscow.

Gonzalo Higuain ayaa furay bandhiga goolasha ka hor inta uusan labeyn ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo shuut dheer ku toogtay shabada, goolka sadexaad waxaa ku baashaalay ciyaaryahanka badalka kusoo galay ee Karim Benzema.

CSKA waxaa gool rajo celin ah siiyey Zoran Tosic kaasi oo ciyaarta ka dhigay 3-1,  hase ahaatee waxaa rajadoodii ceel dheer kusii riday Ronaldo oo ku daray goolka afraad, waxaase Real dhibaato kasoo gaartay Xabi Alonso oo qaatay Jaale kale taasi oo suurta gelineyso inuu seego lugta koowaad ee wareega sideeda.

Ma jiro tababare sadex koox oo kala duwan u qaaday koobka Champions League, laakin waxaa haatan kalsoonidaasi muujinaya tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho oo horay ugu soo qaaday tartankaan kooxaha Porto iyo Inter.
Kooxdan lagu naaneeso Los Blancos waxa ay haatan badiyeen 31 ciyaarood oo ka mid ah 35 kulan ee ugu danbeysay, sidoo kalana kulan kasto oo ka mid ah 35-aasi ciyaarood shabaqa ayey soo taabteen.

Isku aadka wareega sideeda ayaa lagu wadaa in lasoo saaro maalinta Jimcaha ee berrito.