Warbixin:Xubno katirsan Golaha Wasiirada oo dadaal ugu jira baajinta Mooshin ka dhan ah RW Saacid

Warbaahinta magaalada Muqdisho, Saxaafada la daabaco iyo goobaha laysugu yimaado ee magaalada, ayaa maalmihii ugu danbeeyay si weyn looga hadal haayay war sheegaya in xilibaano katirsan golaha baarlamaanka ay wadaan mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Saacid.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in 97 mudane ay saxiixeen mooshinka looga horjeedo raysul wasaaraha iyo xukuumadiisa kaasoo si xoog leh ay ugu soo biireen maalmihii u dambeeyay qeybo kala duwan oo ka mid ah xildhibaanada ay beelahooda ka gadoodsan yihiin wax-qeybsiga xilalka dawlada.

Xilibaanada kasoo kala jeeda beelaha Digil & Mirifle, Khaatumo State iyo Jubbaland, ayaa ah kuwa ugu badan ee mooshinka ka wada Ra’iisul wasaaraha, waxaana la sheegayaa in maalmihii ugu danbeeyay la arkayay iyagoo si gooni gooni ah ugu shiraya Hoteelada Muqdisho.

Hadaba markii uu soo baxay warkaan, ayaa xubno katirsan golaha wasiirada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Saacid, waxay dhankooda bilaabeen ineey dadaal xoogan u galaan sidii look ala jabin lahaa Xilibaanada wada mooshinka.

Ra’iisul wasaarihii hore doowladii KMG xiligii C/laahi Yuusuf, Cali Maxamed Geedi, ayaa la sheegay inuu maalmahaan waday kulamo uu la yeelanayay qaar kamid ah Xilibaanada wada Mooshinkaan, waxaana uu isku dayayay inuu qaboojiyo Xaalada.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Saacid, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo aadan isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada, iyadoo wasiiro cusub lagu soo dari doono Xukuumada, waxaana la sheegay in laga yaabo in Xilibaanada wada mooshinka qaarkood lagu qanciyo xilal wasiir sidaasna dhabarka looga jabiyo Xilibaanada wada Mooshinka xilka looga qaadayo Ra’iisul wasaare Saacid.

Puntland oo horay war-saxaafadeed uga soo saartay Mooshinkan la damacsanyahay:

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/raxmaan Faroole, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maalintii Axaddii ayaa ka digay in ololahan uu sii socdo.  Puntland waxay sheegtay inaan hadda loo baahneyn soo celinta isqabqabsigii siyaasadeed ee ka dhextaagnaan jiray madaxdii dawladihii ku-meelgaarka ee dalka soo maray.

Puntland waxay kaloo sheegtay in ololaha looga horjeedo raysul wasaare Saacid oo hadda 7 bilood kaliya xafiiska jooga uu kaliya luminayo dadaalkii, waqtigii iyo dhaqaalihii ku baxay ka bixidda nidaamka ku-meelgaarka, iyadoo aysan Puntlamd sheegtay in shakhsiyaad danahooda raadsanaya aysan ku habooneyn inay adeegsadaan baarlamaanka federaalka ah, Halkaan ka aqriso war-saxaafadedka Puntland.

Odoyaasha dhaqanka Hawiye oo hadlay:

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ayaa ugu baaqay baarlamaankla Soomaaliya inay ka laabtaan mooshinka ay ka wadaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Mooshinka Xildhibaanada ka wadeen Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadii maalmood soo xoogeysanayay, iyadoo Hotelada muqdisho ay ka socdeen shirar gaar gaar ah iyo abaabulo ay Xildhibaanada wadeen.

“Baarlamaanka dhibaato u joog yuu noqon waxaa ka codsanayaa walaalaheen inay joojiyaan, oo ay ka laabtaan mooshinka, eedeynta badan hala dhaafo”ayuu yiri Axmed Diiriye oo uu sheegay inuu maqlay wararka sheegaya mooshinka laga wado Xukuumada.

Ururada Bulshada rayidka oo shalay Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa war ka soo saaray mooshinkan, iyagoo ugu baaqay Mudanayaasha Baarlamaanka inay joojiyaan qalalaasaha, mooshinka ay wadaan uusan aheyn mid xaq ah.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda ugu sareysa doowlada Soomaaliya oo ku aadan warkaan ku saabsan Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Saacid, waxaase wax walbo kala cadaan doonaan maalmaha soo aadan marka ay Xilibaanada Mooshinka wada gudoonka baarlamanka u gudbiyaan Mooshinka ay wadaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here