Warbixin:Waa side dareenka Ehelada dadkii lagu xukumay Minneaopols?

Maxkamad Federaal ah oo ku taal gobolka Minisota, ayaa todobaadkii hore Xukuno kala duwan ku riday 9 qof oo kala duwan, oo isugu jira 7 rag iyo 2 dumar ah, waxaana badankooda lagu helay dacwado isugu jira, ineey taageero dhaqaale iyo mid muruqba ku taageereen ururka Al-shabaab.

Xukunada lagu riday dadkaan ayaa u dhaxeeya 2 ilaa 20 sanadood.

Egelada dadkaan la xukumay, iyo kuwa ay dhalinyaradooda u safreen Soomaliya, ayaa qaarna ay canbareeyeen qaarna ay soo dhaweeyeen xukunadan.

C/risaaq Biixi, waxa uu madax u yahay hay’ad u Ololeysa arimaha Soomaalida, waxana wiil uu abti u yahay oo lagu magacaabo Burhaan Xasan uu kamid aha dhalinyarada ka tagtay Minisota markii danbana lagu dilay Soomaaliya, waxaaa uu isagoo dareenkiisa ka waramaya yiri:

“Waxaan ku faraxsanahay in ay bilaabatay qaabkii lagu maxkamadaynayay dadkii ka danbeeyay ilmaha yaga ineey kaxeeystaan, laakiin dadka inta badan mafahansana waxa meesha ka dhacay, waxa meesha kadhacay maahan dadkii masuuliyada ka ahaa sida anaga aan qabno, ee waa dad iyaga Askar ahaa oo wax ka ogaa, ama soo dagaalamoo soo noqday, ama lacag halkaan ka aruurinayay, ama ilmaha bixintaankooda iyo saanadooda u xilsaarnaa” ayuu yiri C/risaaq Biixi.

Qaraabada dadka la xukumay qaarkooda ayaa canbaareeyay xukunadan, Raxmo Faarax Maxamuud, waxay ilmo abti yihiin Aamino Faarax Cali oo lagu xukumay 20 sano, waxayna tiri mar ay ka waramaysay sida ay u aratgo sida tan:

“…Qofka markuu rabo inuu inta danbi kuu yeelo kugu xukumo wuxuu rabuu sheegaa, laakiin gabadha tani Al-shabaab iyo waxaas kumaan ogeyn, markeedii hore waxay ahayd macalimad, marka 2aadna waxay ahayd dadka caawiya Masaakiinta, sida agoonta, dumarka carmalka ah, iyo dadka barakacayaasha ah…”

Ninka ugu xukunka adag waa Maxamuud Sayid Cumar, oo madxda danbi barista Mareeykanka ay sheegeen inuu kamid ahaa Ragga dhalinyarada u diray Soomaaliya.

C/laahi Sayid Cumar oo ay walalo yihiin, ayaa VOA-da u sheegay inuusan Maxamuud helin maxkamad Cadaalad ah.

“Aad ban uga xumaanay xukunka ku dhacay walaalkeey, waxaana ka qaadan doonaa racfaan” ayuu yiri C/laahi Sayid Cumar.

Hase yeeshee afhayeenka dacwad oogista gobolka minisota, waxay sheegtay in dadkaan ay fal danbiyeedkaas galeen, iyaga oo og ineey sharciga jabinayaan, iyo iyagoo og in Al-shabaab ay tahay Urur Argagixiso sida ay hadalka u dhigtay, waxay sheegtay in boggaan uu xirmay balse wali doowlada ay feejigantahay.

Warbixintaan oo dhamaystiraan waxaan idiin soo gudbin doonaa Caawa insha Allaah.

==========================================================

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here