Warbixin:Putin oo Obama kaga guuleystay dagaalka qaboow ee Bariga Dhexe

130811030140_putin_obama__304x171_reutersWargesyada kasoo baxa dalka Britain ayaa Ciwaano kala duwan ka qoray dagaalka qaboow ee Mareeykanka u dhaxeeya, gaar ahaan arimaha Bariga dhexe.

Jariirada Sunday Times, ayaa wax ka qortay tartanka u dhaxeeya Mareeykanka iyo Russia ee Bariga dhexe, waxayna ciwaan uga dhigtay qormadeeda “Puntin oo dagaalka qaboow ee Bariga dhexe kaga guuleystay Obama”.

Sunday Times, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Mandiqada Bariga Dhexe ay isku badashay goob lagu muujiyo dagaalka qaboow, iyadoona dadka Indha indheeya Siyaasada Bariga dhexe ay sheegayaan in Obama uu ku khasaaray dagaalkaas marka loo fiiriyo dhigiisa dalka Russia Vladamir Putin.

Jariirada ayaa tooshka ku iftiimineysa mowqifka ay Washington iyo Moscow ka taaganyihiin dhamaan xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalalka Masar, Syria, Yeman iyo Iiran.

Marka la fiiriyo waxa ka dhacay dalka Masar, Mareeykanka ayaa ilaa iyo hada ka gaabsanaya inuu Afganbi ku sifeeyo sida ay Ciidamada Milatariga xilka uga qaadeen Madaxweynihii hore ee dalkaas Morsi.

Syria:

Marka laga hadlaayo arimaha dalka Syria, Ruushka waxa uu si cad oo aan gabasho lahayn u taageeraa doowlada Bishaar Asad, taasoo dhibaato ku noqotay dadaalada Mareeykanka iyo reer Galbeedka kale ee  iyaga taageera Mucaaradka.

Mareeykanka ayaa waxaa haysata labo daran mid dooro, oo kala ahin hadii uu hubeeyo Mucaaradka waxa uu ka baqaa in hubkaas uu gacanta u galo kooxda xiriirka la leh Al-qacida ee ka dagaalnta Syria, halka dhanka kalena uu doonayo in xilka laga tuuro Bishar Asad, marka taas waxay u muuqataa in Ruushka uu ku gacan sareeyo.

Iiran:

Ruushka mudo aad u fogba waxa uu taageero dhanka Nuclearka ah siinayay doowlada iiraan, sidoo kale Ruushka ayaa mar walbo codka diidmada qayaxan u adeegsadao dadaalada uu wado Mareeykanka ee uu ku doonayo in cunaqabateyno la saaro dalkaas, ama si toos ah loo weeraro.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here