Warbixin:Maxaa lagu micneyn karaa Mooshinka Xilibaanada ay ka keeneen Xukuumada RW Saacid, maxaase xiligaan loogu soo beegay?

Inkabadan 90 Xilibaan oo katirsan golaha baarlamaanka ayaa Arbacadii lasoo dhaafay, ayaa gudoonka baarlamaanka hor geeyay Mooshin ka dhan ah Xukuumada Saacid, oo ay ku eedeeyeen Xil gudasho la’aan iyo inaaneysan haynin qorshayaal waxqabad oo ay wasaaradaha doowlada ku howlgalaan, taasoo keentay in Xilibaanadaas ay ku baaqan in Xukuumada ay Kalsoonida weydiisayo baarlamaanka.

Hadaba waxaa jira su’aalo farabadan oo ay is weydiinayaan dadka Soomaaliyeed, iyo siyaasiyiinta u dhuun daloola arimaha Soomaaliya, su’aalahaasoo ah.

Maxaa lagu macneyn karaa Mooshinka xilibaanadu ay ka keenen Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid? Maxaana Xiligaan loogu soo beegay? majiraan Xiriir ka dhaxeeya Mooshinka iyo Maamulada iska soo horjeeda ee lagaga dhawaaqay magaalada Kismaayo?.

Baarlamaanka Soomaaliya sharci ahaan xaq ayuu u leeyahay inuu doowlada Mooshin ka keeno ama la xisaabtamo, waxaana awoodaas siinaaya dastuurka, iyagaana ah hay’adii dhashay Xukuumada, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaankana Arbacadii markii mooshinka la keenay waxa uu si cad u sheegay in Xilibaanada keenay mooshinka shuruudihii looga baahnaa ay soo mareen.

Dhanka kale Xilibaano ilaa 90 gaaraya ayaa Mooshinka saxiixay, taasna waa Namber badan, mana ahan wax la dhayalsan karo, mida kale ee in la iftiimiyo u baahan ayaa ah in Xukuumada ay maalmaha soo aadan 6bilood jirsaneyso hadii is qab qabsi yimaado ay taas caqabad ku noqon doonto taageerada beesha Caalamka ay doowlada Federaalka maalmihii ugu danbeeyay siineysay.

Sababta Xiligaan kusoo beegtay Mooshinka:

Waxaa jira arimo farabadan oo is biirsaday, kuwaasoo sababay in Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid laga keeno mooshin ka dhan, waa tan koowaade, waxaa faraha ka baxay Aminaga magaalada Muqdisho, waxaana bilihii ugu danbeeyay ka dhacayay dilal qorsheysay, qaraxyo Ismiidamin ahaa, oo ay ugu darneyd weerarkii lagu qaday dhismaha Maxakamada gobolka Banaadir, qaraxii ka dhacay KM4 oo ay ku naf waayeen dad shacab ah iyo madaxii sirdoonka dalka Qadar, waxaa xiran wadadii ugu muhiimsaneyd Muqdisho (Makka Al-mukarama) oo aan la xirin xitaa xiliyadii ay Al-shabaab magaalada dhinac ka haysteen.

Arinta kale ee keentay in Xilibaanada ay Mooshin ka kenaan Xukuumada Saacid ayaa ah, ineey ku guul dareysatay maamul u samaynta goboladii laga xureeyay Al-shabaab, sida arinta Kismaayo oo ay maamulkeeda la wareegeen Ciidamada Kenya iyo dad ay wadato, taasoo maanta mareysa in looga dhawaaqo ilaa 4 madaxweyne.

Sidoo kale ,waxaa jira Xilibaano ka tirsan beelaha Jubooyinka oo aan ku qanacsaneen qaabka ay Xukumada Saacid u wajahday arimaha jubooyinka oo ah kuwa ugu badan ee Mooshinka wada, sido kale waxaa jira Xilibaano kasoo jeeda Digil iyo Mirifle oo iyagana aan ku qanacsaneen Xukuumada oo iyagana Mooshinka gadaal ka riixaya.

Dhinaca kale Mooshinkaan ayaa kusoo beegmaya Xili magaalada Kismaayo looga dhawaaqay in Axmed Madoowe uu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland, sidoo kale Barre Hiiraale ayaa isagana waxa uu sheegtay in Koox ku shirtay gudaha magaalada Kismaayo ay u doorteen isla madaxweynaha maamulka jubaland, marka waxaasoo dhan waxay kuujinayaan biseyl la’aanta iyo siyaasad Xumada Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid.

Wax walbo waxaa lakala ogaan doonaa maalinka Arbacada soo aadan markaasoo lagu wado in baarlamaanka uu hortago Ra’iisul wasaare Saacid, si uu codka kalsoonida u weydiisto, waxaana sii kordhaya Xilibaanada kasoo horjeeda Xukuumadiisa oo la sheegay in hada ayba kor u dhaafayaan ilaa 100 Xilibaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here