Warbixin:Mad-habka Suufiyada oo ku soo Xoogeysanaya Soomaaliya

Dadka raacsan dariiqooyinka iyo Culimada Suufiyada oo sanadihii hore dhibaatooyin iyo cadaadis kala kulamayay kooxda Al-shabaab, oo bur buriyay goobo ay ku cibaadeysan jireen, iyo Qabriyada Culimo ay wax ka barteen, ama Xurmo weyn ay u hayeen, ayaa maalmihii danbe kusoo xoogeysanayay Soomaaliya, gaar ahaan gobolada koofurta.

Culimada Suufiyada ayaa hada bilaabay ineey isugu soo baxaan Mowlacyo iyo Xaruumo ay digriga ku oogaan, islamarkaasna ay ku cunaan Bunka iyo cunada kale ee lacag la’aanta ah.

Culimada Suufiyada oo caan ku ah ineey soo xirtaan Khamiisyo Cad cad iyo Cimaamado waaweyn, ayaa ahaay kuwo ad ugu Xoogaan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya xiliyadii hogaamiyo kooxeedyada, laakiin dhaqdhaqaaqooda wuxuu hakad galay wixii ka danbeeyay 2006-da, markaasoo midowgii maxaakiimta islaamiga ay qabsadeen Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxaakiimta ayaa joojiyay dhamaan Digrigii iyo isku soo bixii ay dhigi jireen Culimada Suufiyada, taasoo dhowr mar dhalisay isku dhac uu dhiig ku daato, waxaase wax walbo kasii darnaa, markii Al-shabaab ay qabsadeen Muqdisho iyo qaybo badan oo dalka kamid ah, ay soo faageen Qabriyo ay ku duugnaayeen Culimo waaweyn oo Suufiyada Caan ku ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here