Warbixin:Kismaayo oo ku hanjabtay ineey Muqdisho ka go’eyso

Maamulka isku magacaabay Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa ku dhawaaqay ineey go’aan deg deg ah ka qaadan doonaan Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxayna sheegeen sidoo kale in Wasiirada iyo Xilibaanada ay ku leeyihiin Xukuumada Federaalka Soomaliya ay lasoo bixi doonaan, sidoo kalena ay guud ahaan ka go’i doonaan Soomaaliya inteeda kale, hadeysaysan doowlada Federaalka joojin cadawtooyada ay ku hayso shacabka jubooyinka, sidaa waxaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka Axmed Madoobe.

Afhayeenka Maleeshiyada Raaskambooni C/naasir Seeraar, oo shalay shir jara’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay iney gabi ahaanba isaga bixi doonaan Nidaamka Federaalka, islamarkaasna ay samaysan doonaan maamul kamadax banaan doowlada Soomaaliya, hadaysan doowlada aysan joojin falalka cadawtooyada ah ee ay Jubaland kaga soo horjeedo.

Dhanka kalegudoomiyihii hore ee shirkaJubaladn lagu soo dhisayay, Maxamed Ibraahin, ayaa sheegay in go’aansan doonaan ineey Muqdisho ka kaaftoomaan, islamarkaasna ay qaadan doonaan wax uu ku tilmaamay go’aano istiraatiiji ah, waxa uu sheegay ineey dib u qiimeyn ku sameyn doonan xiriirka ay la leeyihiin doowlada Federaalka Soomaaliya.

Diyaar garow dagaal:

Afhayeenka Raaskambooni C/naasir Seeraar, ayaa shalay mar uu qabtay shir jaraa’id, waxa uu sheegay ineey u diyaargaroobeen dagaal ay la galaan doowlada Federaalka soomaaliya hadii ay danta ku qasabto, waxa uuna sheegay ineey awood u leeyihiin inuu difaaco wax uu ku magacaabay jubaland.

“Qof kastoo isku dayda ineey carqaladeeyso amniga doowlada Jubaland, waxaan ku qaban doonaa gacan bir ah” sidaa waxaa yiri C/naasir Seeraar.

Seeraar ayaa hadalkiisa sii daba dhigay sida tan “Waxaan diyaar unahay dagaal an la galno doowlada Federaalka Soomaaliya, siyaan udifaacno jiritaanka Jubaland”.

Seeraar ayaa doowlada Soomaaliya ku eedeeyay ineey qas ka wado Kismaayo, iyadoo adeegsaneysa siyaasiyiin iyo dad kale si look ala fur furo maamulka Jubaland, iyo in fitno laga dhex abuuro dadka daga Jubooyinka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu si dadban iyo si aan dadbaneenba duulan ugu yahay jubooyinka, sidokale waxa uu seeraar sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu Caalamka fikir qaldan uga gudbiyay maamulka Jubaland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Khudbad uu ka jeediyay shirkii ay Addis-Ababa ku yeesheen madaxda IGAD ka sheegay in doowladiisa aysan aqoonsaneen maamulka looga dhawaaqay Jubaland, maadaama uu hareer maray dastuurka dalka uyaala, sidookale madaxweynaha ayaa ka digay in dagaal beeleed uu halkaas ka dilaaco, iyo in ay suurtagal tahay in Al-shabaab ay markale halkaas qabsadaan.

Sidoo kale wasiirada arimaha dibada fowsiya Yuusuf Xaaji Adan, ayaa iyana dhalay sheegtay in IGAD ay doowlada Soomaaliya ku waafaqday diiditaanka maamulka Jubaland maadaama uu khilafsanyahay dastuurka dalka u yaala, taasna waxay keentay ineey aad uga caroodaan madaxda maamulka Axmed Madoobe.

Doorka Ciidamada Kenya:

Afhayeenka Raaskambooni C/naasir Seeraar, ayaa aad u dafiray eedeeymaha doowlada eek u wajahan in Ciidamada Kenya aysan dhexdehxaad ka ahayn arimaha Kismaayo, waxaana uu Seeraar sheegay In Ciidamada Kenya ay qayb kayihiin AMISOM, si sharci ahna ay wadanka kusoo galeen, islamarkaasna si sharci ah uga bixi doonaan.

Mar Seeraar la weydiiyay sababta ay doowlada eedeymo ugu soo jeedin weyday Ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi oo iyaga qayb ka ah AMISOM,  ayaa waxa uu sheegay in Kenya lagu haysto doorkii ay ku lahayd xureynta Kismaayo, sidaasna loogu xagliyo maamulka Axmed  Madoobe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here