Warbixin: Yaab iyo naxdin ayuu xalay ku bilowday koobka Qaramada Africa

Waxaa xalay daaha laga rogay koobka Qaramada Africa ee sanadkaan 2012, iyadoo ay guul ku bilaabatay Equatorial Guinea oo ka mid ah dalalka marti gelinaya.

Dalalka Equatorial Guinea iyo Zambia ayaa si lama filaan ah u badiyey, iyadoo guushi ay Zambia ka soo hooyeen Senegal lagu tilmaamay mdi lala yaabay maadaama aanan laga fileyn in Senegal ay ku jabi doonto ciyaartaasi.

Marti galiyaasha tartanka ee Equatorial Guinea ayaa ciyaarteedi inta ay socotay ay taageerayaal badan isku dayeen in garonka ay xoog kusoo galaan hase yeeshee ay boolisku ku garaaceen sunta indhaha ka ilmeysiiso.

Taageerayaasha ayaa sidoo kale isku dayey in ay u dhacaan garoonka Estadio de Bata halkaas oo ay dad badan isku bur sadeen booliska, lama soo sheegin wax dhaawac ah oo ka dhashay isku dhaca taageerayaasha iyo booliska.


Waxyaabaha kale ee hareeyey ciyaarta waxaa ka mid ahaa, ciyaarta furitaanka oo dib uga dhacday todobo daqiiqo waqtigi loogu tala galay kadib marki uu qudbada dheereeyey madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Teodoro Nguema Obiang Mbasogo, arin kale oo lala yaabay waxay aheyd in macalinka xulka Equatorial Guinea Gilson Paulo  uu soo safay 11 ciyaartooy oo aanan ku dhalan dalka Equatorial Guinea balse asal ahaan kasoo jeedo.

11-ki xalay u badisay Equatorila Guinea waxay kala ahaayeen shan ciyaartooy oo ku dhalatay dalka Spain, laba ku dhalatay Ivory Coast halka inta afarta kalana ay ku kala dhasheen dalalka Cameroon, Cape Verde, Brazil iyo Liberia.

Goolka qura oo ay ku badiyeen Equatorial Guinea waxaa saxiixay laacibki hore ee kooxda Real Madid Javier Balboa, waxaana guusha ay gaareen lagu tilmaamay mid taariikhi ah maadaama dalkaan uu kaga jiro qiimeynta FIFA kaalinta 151-aad.

Ciyaarta kalana Zambia waxay 2-1 dhagaha kaga garaacday Senegal oo ka mid ah quwadaha dhinaca kubada cakta Africa ee xiligaan, waxaana goolasha u kala dhaliyey laacibka ka ciyaaro dalka Switzerland Emmanuel Mayuka oo madaxa la helay kubad daqiiqadi 12 -aad iyo Rainford Kalaba oo isna saxiixay goolka labaad sagaal daqiiqo kadib.

Goolka calanka Senegal waxaa siiyey laacibka badalka kusoo galay Dame Ndoye daqiiqadi 74-aad mana ku filneyn reer Senegal goolkaas maxaa yaalay waxaa la boobsiiyey rubuc saaci ugu horeeyey ee qeybta hore ee ciyaarta.

Kulamada caawa ayey saraakiisha amaanka dalka Equatorial Guinea rajeynayaan in aysan noqon sidi kuwi xale oo kale, waxaana caawa balansan dalalka Ivory Coast iyo Sudan iyo Burkina Faso oo la ciyaari doonto Angola waxa ay ka dhici doonaan labadaasi kulan magaalada caasimada ah ee Malabo.

Tartanka waxaa ka maqan sanadkaan afarta dal ee ugu xooga badnaa Qaarada kuwaasi oo ku dhacay ciyaarihi is reeb reebka waana dalalka Masar, Nigeria, Cameroon iyo South Africa.