WARBIXIN: Xuduuda ay wadaagaan Somaliya & Kenya oo la Xiray

PHOTO_MOMBOMB_01Shalay Axadii ayaa waxa qarax miino uu ka dhacay Suuq ku yaalla Magaalada Gaarisa ee Gobolka Wuqooyi Bari Kenya waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay hal qof oo aan la sheegin shacab iyo ciidan waxa uu ahaa.

Warbixin maanta oo isniin ah lagu daabacay Warbaahinta dalka Kenya ayaa waxa lagu sheegay in ciidanka ay howlgal ballaaran ka sameeyeen meesha qaraxa uu ka dhacay inkastoo dad lasoo qabtay aan la sheegin.

Saraakiil uhadashay Ciidanka Amaanka Kenya ee Magaalada Gaarisa ayaa waxay ku Eedeeyeen qaraxaasi in Al Shabaabka Soomaaliya ka dambeeyeen walaw Al Shabaab wax war ah kasoo bixin.

Waxa Taliyaha Booliska Musa Yego uu qadka taleefoonka ugu sheegay wakaalada wararka Reuters inay aaminsan yihiin weerarkaasi ay ka dambeeyeen Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa dhawaan 28 shacab ku dilay Duleedka Magaalada Mandhera ee Gobolka Wuqooyi Bari Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here