WARBIXIN: Wararkii ugu dambeeyey Ee Ciyaaraha & Xanta Suuqa Taalla

Waxaan idiin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyey ee Xanta Suuqa taalla maanta iyo Wargeysyada ugu afka dheer ee Ciyaaraha wax ka qoray maanta oo isniin ah.

Football Gossip 850 x 315 White on Black

  • Kooxda Chelsea ayaa kaga dheereeysay loolanka ay kala kulmeyso Kooxaha Liverpool iyo Arsenal helitaanka Laacibka Borussia Dortmund Marco Reus xilli Chelsea ay lacag iyo Andre Schurrle ku bixineyso helida Marco Reus (Waxa qortay Majalada Ciyaaraha ee Express)

  • Manchester United ayaa gor gortan kula jirta Kooxda Real Madrid waxaana Unitedka ay dooneysaa soo qaadashada Gareth Bale xilli Real ay soo bandhigtay xiisaheeda Goolhayaha Man United David De Gea (Waxa qortay Majalada Ciyaaraha ee Manchester Evening News)

  • Naadiga Roma ayaa dooneysa inay hesho difaaca Midig ee Kooxda Liverpool Glen Johnson xagaaga soo socda xilligaasi oo si xor ah kooxda Reds-ka uga tagaya (Waxa qortay Majalada Ciyaaraha ee Daily Star)

  • Laacibkii hore ee Khadka dhexe kaga ciyaari jiray Newcastle United Yohan Cabaye ayaa laga yaabaa bisha Janaayo markii la gaaro inuu dib ugu soo laabto Horyaalka Dalka Ingiriiska (Waxa qortay Majalada Ciyaaraha ee Newcastle Chronicle)

  • Tababaraha Kooxda Arsenal Arsen Wenger ayaa sheegay in bisha Janaayo markii la gaaro uusan iib ka aheyn Laacibka reer Jarmal Lukas Podolski (Waxa qortay Majalada Ciyaaraha ee Goal.com)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here