Warbixin: Waqtigii Shabaab oo sii dhamaanaya

shabaabAl-shabaabka Soomaaliya oo xiriir dhow la leh Ururka mayalka adag ee Al-qacida, ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa soo wajahayay Guul darooyin is xig xiga oo xiriir ah, xili ay Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM kala wareegeen magaalooyin dhowr ah oo muhiim u ahaa.

Magaalooyinka lagala wareegay shabaab maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kamid ah, Buula-burde, Xudur, Qoryooleey, Maxaas, Matabaan, Rabdhuure iyo Tuulooyin kaloo farabadan.

Magaalooyinka lagala wareegay, ayaa ku kala yaala Gobolada, Hiiraan, Bay, Bakool, Galgaduud iyo Shabeelada Hoose, sidoo kale waxaa jira degmooyin katirsan Shabeelada Dhexe oo lagala wareegay sida Warsheekh iyo Raaga-ceele.

Guulahaan Milatari ee ugu danbeeyay ee shabaab laga gaaray, waxay muujineysaa in uu sii dhamaanayo waqtigii shabaab ee Soomaaliya, balse waxaa xaqiiqo ah oo la wada ogyahay, in shabaab ay ku dhex milmayaan shacabka islamarkaasna ay sii wadi doonaan dilalka qarsoon, is qarxinta iyo dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here