Warbixin &U Sawiro:Siyaasiyiin Caan ah oo markale ku kulmay Nairobi

Magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya waxaa xalay markale ku kulmay Siyaasiyiin aad looga yaqaano Siyaasada Soomaaliya, islamarkaasna u badan kuwo ku fashilmay ineey xilal ka qabtaan DFS ee haatan jirta.

Siyaasiyiinta kulankaas isugu yimid ayaa waxaa ugu cad cadaa:Cali Khaliif Gallayr, Cali Maxamed Geedi, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Musharraxiin Madaxtinnimo: Dr. Maxamed C/laahi Baadiyow, Yuusuf Garaad Cumar, Sheekh Maxamed Yaasiin, madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) iyo wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Gaandi, Xildhibaano Keenyaan ah: Diiriye Cabdullahi Maxame, Maxamed Shidiye iyo Ilyaas barre Shiil.

Kulankaan oo aan noqon sidii la filayay in eedeymo loogu soo jeediyo DFS ayaa diirada lagu saaray Nabada iyo Geedi socodka Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Gaandi oo ah wasiirkii hore ee Gaashaandhiga islamarkaasna  kulankaas ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay qorshihii uu ku bilowday maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka oo uu sheegay in dawladii hore ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed inay qorshahaasi si bilowday.

“Waxaan sugaynay in dawlada dhalataa ay meesha kasii wado heshiisyadii ay galeen dawladihi hore, dawladii hore ee Soomaaliya ayaa Kenya ka codsatay inay ka taageerto maamul u samaynta gobollada haatan laga sameeyay Jubbaland” ayuu yiri Gaandi.

Dhanka kale Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo goobta ka hadlay ayaa  dhalleeceeyay xildhibaanada dalbanaya inay Kenya isaga baxdo dhulkooda ayaa sheeegay inaysan Kenya ku jirin wax damac ah oo ay ku doonayso dhul Soomaaliyeed.
“Annaga ayaaban ogolayn in taako kamid ah dhulka Soomaaliya ay Kenya hunguriyayso, war waxaan idin leenahay inta aad dhisanaysaan ciidamo adag ammaankiina iyo ammaankeena waa isku xiranyahay, waana ku khasbanahay inaan idin taageerno” ayuu yiri Shiil.

Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in qabiilka Soomaalida ee la isku haysto inaysan caddaynba in la wada dhashay.

“Qabiil baa la sheegayaa, yaa DNA u kala qaaday, war hoy meesha wax la isku dilaa ma yaalliin, ee Soomaalidu danahooda ha qabsadeen” ayuu yiri Galayr.

Waxaa xusid mudan in maalmihii u danbeeyay Siyaasiyiintaan Xalay Nairobi ku shiray ay wadaan is gaashaanbuursi siyaasadeed oo u muuqda mid qal qal lagu galinayo DFS kadib markii ay iska dhax arki waayeen DFS.

3 COMMENTS

  1. waryaa mooryaan yahay aruurtay oo aan xishoon hadii aadnaan ummada soomaaliyeed iyo dawladooda raaligelin udirin sidegdeg ah waxaan idiinsoo dirayaa rag fara fudud oo shaqo idinka qabta waana lasocnaa nin walba meesha laga helo
    sidegdeg ahna jawaab ayaan idin siinayaa

  2. war odoyaashu haday fadhi isku arkaan ma cinqilaabaa? WAR NIMANYAHOW BAL FIIRSHA AABIGAAS,
    mida kale miyaanan laga hadli Karin in dawlada la mucaarado oo hadii miis aan lagu mucaaradin ma hoobiyayaalbaa lagu mucaaradayaa,
    war ilma adeerayaaloow nimankaaan hada ma waxaad leedihiin mugdi isku arka ama mininkiina oo nalku idiin dansanyahay hoos uGu sheekaysta ( oo xaataa ma fadhi ku diriradiibaa la mamnuucay within one year) HADII 5 YEAR LA SII JOOGO SOOMAAHAN 2 KABADAN CIDII WADA ISTAAGTAA WAA XARIG…. WAR ILMA ADEERAYAALOO DADKU MAXAABIIS MAAHAN OO GEEDI BAA SHEEGAY,, DAAROOD AMA HAWIYE IN LOO KALA DHASHAY YAA DNA QAADAY OO GALAYRBAA SHEEGAY OO MA CADA, OO DAWLADA WAXAA JIRA DAD TAAGEERSAN OO RABTA IN AY GUULAYSATO LAAKIIN KA XUN MEELAHA LA RABAY IN AY KU GUULAYSATO OO AYSAN KU GUULAYSAN WILIBA AAN WAX KA SII NAASA CADYN GUUL AH JIRIN OO LEH ALAHA GUULEEYO DAWLADEENA LAKIIN SAAS HA YEESHO OO YUUSUF GARAADBAA YIRI

  3. Haddi dowladda Hassan Sheikh talo looga yeerin oo iska dhax arki waayeen wax socon doono ma jiro miyaa ? Ayaga wax qabadkooda yaa ka murmay markii dowladooda jirtay ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here