Warbixin: Somaliland oo Heshiis la Gashay Dubai World

662F6E78-0DD4-4EE3-9362-261D6F17CE24_w640_r1_sMaamulka Somaliland ayaa heshiis ganacsi oo la xidhiidha ballaadhinta Dekedda Berbera la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo la yidhaahdo Dubai World Ports.

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dubai oo ay safar shaqo ku joogeen wefti uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa socon doona muddo 30 sanno ah.

Waxaa heshiiska ku baxaya lacag dhan 400 oo Milyan oo Doollar.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama ayaa heshiiskan ku tilmaamay sharci-darro.

Heshiiska Berbera Corridor oo socdey in ka badan 10 sano oo ay wadey Dowladda Itoobiya, kaas oo dhigayey ballaarinta dekadda Berbera iyo dhismaha waddo dhererkeedu yahay 930km ee isku xiraysa Berbera iyo Itoobiya. Mashruucan ayaa lagu wadey in uu maalgeliyo Bangigaga Adduunku.
Itoobiya ayaa sheegtay inay iyadu lacagta ka keeni doonto Bangiga Adduunka, balse maadaama Soomaliland aan la ictiraafsaneyn loo baahan yahay Shirkado Caalami ah oo damaanad qaada maamulka dekkada Berbera, arrintaasi oo ay dhexda kasoo gashay Dowlada Imaaraadka oo ku cadaadineysey Federaalka Soomaaliya inuu heshiiska saxiixo si shirkada Dubai World loogu wareejiyo Dekkada Berbera.

Xiriirka Dowladda Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ahaa mid aad u xun muddooyinkii danbe kadib markii Jabuuti ay kaaabxdey heshiisyo ay la gashey UAE, isla markaana dooratey Shiinaha. Imaaraadka Carabta ayaa joojiyey shaqooyinkii ay ka hayeen Jabuuti, waxaana ay xireen qunsuliyaddii ay ku lahaayeen Jabuuti Abril 2015.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here