Warbixin: Shirkii Kismaayo oo burburay

IMG_9332-740x493Shirkaan oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Kismaayo ayaa xalay lagu kala tagay, ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii laga hadlayey.

Waxa ugu weyn ee la isku mari waayey ayaa ahaa qaabka lagu soo xulayo xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya.
Go’aanka Galmudug iyo Koofur Galbeed:
IMG_9396-740x493Maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed ayaa sheegey in ay doonayaan in sidii hore ay wax ahaadaan, isla markaana Aqalka hoose lagu soo xulo 4.5 oo ah nidaamka beelaha Afar beelood iyo beelo badan oo la isu geeyey oo qaybtooda laga dhigey kala bar kuwa kale waxay helayaan.

Aqalka sare ee Shuyuukhda ayey soo jeediyeen in lagu soo xulo nidaamka Dowlad Goboleedka, waxayna ka soo horjeesteen in 18kii ghobol lagu soo xulo sida uu qabo Dastuurku.
Go’aanka Puntland iyo Jubbaland:

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa istaagey mowqif ah in Aqalka Hoose deegaan ay ku yimaadaan Xildhibaanadu meelna la iska dhigo Xildhibaano qabiil metalaya.

IMG_9319-740x493Jubaland iyo Puntland ayaa sheegay in ay samaynayaan tanaasul oo ah in Aqalka hoose saddex marka loo qaybiyo laba qaybood ay deegaan ku yimaadaan degmooyinka, halka qaybta kale ay ku yimaadaan Beelaha, taas waxay raaciyeen in beelaha laga tirada badan yahay’ sida hadalka loo dhigey’, iyo haweenka loo sameeyo qoondo gaar ah, taas oo ka dhigeysa baarlamaanka mid loo dhan yahay.

Aqalka Sare ee Shuyuukhda ayaa Jubaland iyo Puntland sheegeen in ay arkaan in lagu soo xulo nidaamka gobolada 18 ahaa ee jirey ka hor 1991, taasna aysan jirin meel looga leexdo.

Sida muuqata Jubaland iyo Puntland waxay qaateen war-murtiyeedkii hore ee ka soo baxay shirkii Muqdisho kaas oo dhigaayey 4.5 iyo deegaan isku dhafan.

Go’aanka madaxda Dowladda Federaalka

IMG_9392-740x493Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.Soomaaliya Xasan Shiikh, Raysalwasaaraha Cumar Cabdirashiid iyo Afhayeenka Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa istaagey mowqif midna ay ku waafaqsan yihiin Galmudug iyo Koonfur Galbeed, midna ay ku waafaqsan yihiin Jubaland iyo Puntland.

Federaalku wuxuu soo jeediyey Aqalka hoose in lagu soo xulo 4.5, halka Aqalka sare ay tahay in lagu soo xulo 18 Gobol

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here