Warbixin: Shirka Wadatashiga oo saakay lasoo gaba gabeynayo iyo tirada baarlamaanka oo lagu heshiiyey

Waxaa saakay lagu wadaa in magaalada Garoowe lagu soo gaba gabeeyo shirka Wadatashiga dhinacyada siyaasada Soomaalida.

Shirkaan oo sadexdi maalin ee lasoo dhaafay xooga lagu saaray Tastuurka iyo qaabeynta baarlamaanka ayaa la filayey in shalay lasoo xiro, hase ahaatee dib u dhac ayaa ku yimid marki la isku mari waayey qodobka xulista baarlamaanka.

Ilaa iyo iminka waxaa lagu heshiiyey oo meel la isla dhigay tirada baarlamaanka oo noqon 225 mudane, laakin waxaa aad la isugu mari la’yahay habka loo soo xulayo iyo halka ay ka imaan doonaan.
Shalay ilaa iyo xalay waxaa la isku mari la,aa xulista baarlamaanka oo ay ku kala jabeen ergooyinka.

Madaxweynaha Puntland ayaa laga fujin la’yahay in baarlamaanka laga soo xulo degmooyinka dalka Soomaaliya, Madaxweynaha dowlada KMG, madaxweynaha Galmudug iyo Ahlu Sunna ay isku raaceen in 4.5 lagu soo xulo mudanayaasha.

Laba fikradood oo xal loo arkayey iskuna raaceen madaxda dowlada, Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa waxaa gaashaanka u daruuray madaxweyne Faroole kuwaasi oo kala ahaa in si KMG ah loogu heshiiyo in baarlamaanka lagu soo xulo 4.5 iyo qodobka labaad oo ahaa in lasoo saaro war murtiyeedka iyo wixi lagu heshiiyey iyada oo laga tagayo qodobka muranka dhaliyey ee xulista baarlamaanka oo dib loo dhigo dood gaar ahna laga sameeye.

Wararki ugu danbeeyey ee aanu saakay ka heleyno Garoowe ayaa sheegaya in xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu wali u kala dab qaadayo dhinacyada iyo is mari waaga ku aadan xulista baarlamaanka cusub, laakin la rajeynayo in maanta lasoo gaba gabeeyo shirka.

Hadaba su’aasha taagani ayaa ah muxuu Madaxweyne Faroole ugu dhaganyahay go’aanka ah baarlamaanka halaga soo xulo degmooyinka sidi tastuurki 1960-ki ee Soomaaliya oo dhigayey in mudanayaasha baarlamaanka laga soo doorto degmooyinka?

Qodobkaasi ayaa dan weyni ugu jirtaa Puntland maxaa yeelay waxa ay heli doontaa nasiib la mid ah kan Soomaalida kale ama hadii si kale loo dhigo waxaa ay la qeyb noqon doontaa Puntland kaligeed qeybo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, taasi macnaheedu wuxuu noqon doonaa in Puntland kaligeed ay baarlamaanka ku yeelan doonto xildhibaano la mid ah qabaa’ilka dego koonfurta Soomaaliya.

Maabka Gobolada Dalka

Shirka maanta wixi kusoo kordho kala soco Midnimo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com