Warbixin: Sharif Xasan Sheekh Aadan oo shuruud ku xiray kadagista xilka laga qaaday

Iyadoo wali ay ku suganyihiin magaalada Muqdisho ergooyin caalami ah oo u yimid xalinta qilaafka baarlamaanka ayaa waxaa wali socdo wada hadalo iyo guluf loogu jiro in si uun looga baxo qaska siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday dowlada KMG.

Ergooyinkan oo sida la sheegay xaqiiqo raadin ah, waxay shalay siyaabo kala duwan ula kulmeen madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano ka socday mudanayaashi 13-ki bishan xilka ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka.

Hadaba waxaa marki ugu horeysay soo if baxay go’aanki uu Shariif Xasan Sheekh Adan gudoomiyaha baarlamaanka u gudbiyey wakiilada ka socday Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Africa ee uu shalay la kulmay.

Ila wareedyo ku dhaw dhaw Shariif Xasan ayaa Midnimo.com u sheegay in uu ku adkeystay Shariifka inuusan xilka ka dageyn ilaa mar labaad codka kalsoonida loogu qaadayo isaga oo markaasi soo xaadirayo fadhiga baarlamaanka.

Afhayeenka baarlamaanka ee kursigiisa liiq liiqanayo, wuxuu sharci daro ku tilmaamay go’aanki xilka loogaga qaaday isaga oo tilmaamay in marka sharciyan la fiiriyo aysan habooneyn in xildhibaanada ay iskood u shiraan iyadoo aanan loo sheegin gudoonka.

Waxa uu aqbalay inuu ka dagi doono xilka hadii lagu celiyo mar labaad mooshinki xilka loogaga qaaday isaga oo sheegay inuu is difaaci doono hadii laga badiyana uu markaasi ka dagayo.

Moowqifkaan ayaanan u cuntameyn inta badan xildhibaanada baarlamaanka gaar ahaan ku dhawaad 300 oo mudane oo isaga xilka ka qaaday todobaadki hore, kuwaasi oo ku adkeysanaya in Sharif Xasan uu hada yahay xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo kaliyah.

Maanta ayaa la filayaa in kulamo kale ay la yeeshaan xubnahan ka socda beesha caalamka madaxda dowlada si ay u sii amba qaadaan xalinta qilaafka baarlamaanka.

Shariif Xasan oo caan ku ahaa guulaha iyo daba gedinta kursiyada mas’uuliyiin horay usoo martay dalka ayey markan xaalada ku xuntahay.

Waxaa lagu xasuustaa sidi uu jarta uga tuuray, madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf, gudoomiyihi hore ee baarlamaanka Adan Madoone, iyo sadex ra’isulwasaare oo kala ahaa Cali Maxamed Geedi, Cumar C/rashiid iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.