Warbixin: Sharif Xasan oo xusul duub ugu jiro sidi uu maamul goboleed uga dhisi lahaa Bay & Bakool

Maalin kadib marki uu dagay magaalada Baydhabo gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya, Sharif Xasan Sheekh Adan ayaa waxaa isa soo taraya warar sheegaya inuu wado qorshe uu maamul goboleed uga dhisayo gobolada Bay iyo Bakool.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xaqiijiyey in odayga uu ku jiro damac ah inuu dhiso maamul goboleed ay ku midoobayaan gobolada Bay, Bakool iyo Gedo kaasi oo uu doonayo inuu isagu madaxweyne ka noqdo.

Laakin Shariif Xasan ayaa durbaba beeniyey warkaasi, isaga oo sheegay in maamulka uu ka dhisi doono Bay iyo Bakool ay yihiin maamulo caadi ah oo ay ogtahay dowlada KMG Soomaaliya.

“Aniga gudoomiye baarlamaan ayaan ahay dadka qofki ayey dooran lahaayeena iyaga ayey u taalaa, aniga waxaan rabaa in aan maamulada gobolada Bay iyo Bakool dhiso, marka waqtigaan hada la joogo ma jirto howlo aan maamul goboleed ku dhisayo kaliyah maamul caadi ah oo kii la yaqaanay ah ayaan rabnaa in aan ka dhisno gobolka,” ayuu yiri Shariif Xasan oo wareysi siiyey Radio Muqdisho.

Qorshaha uu maamul goboleedka uga dhisayo gobolada uu kasoo jeedo ayaa la sheegayaa in ay ku taageeri doonto dowlada Itoobiya oo uu saaxib dhaw la yahay Shariifka sidoo kalana xuduud la wadaagto gobolka Bakool.

Bilooyinki ugu danbeeyey ayaa waxaa soo badanayey maamul goboleedyada kuwaasi oo loogaga dhawaaqayey gudaha iyo dibada.

Maamulki ugu danbeeyey waxaa bishaan loogaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaasi oo la magac baxay Banadir Satet.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.