Warbixin Shan maalin ayaa ka hartay doorashada madaxweynaha Somalia

Mudo shan maalin ah ayaa ka harsan doorashada taariikhiga ah ee la filayo in Soomaaliya ay ku doorato madaxweynihi ugu horeeyey oo aan KMG aheyn 21 sano kadib.

Wali waxaa caasimada Muqdisho ka socdo ololaha doorashada kaasi oo aanan aheyn olole ay dadka fagaarayaasha isugu yimaadaan sida dalalka caalamka, balse waa olole oo ay musharaxiinta isku muujinayaan.

Waxyaabaha ay adeegsanayaan musharaxiinta waxaa ka mid ah baabuurta oo ay ku dhajinayaan sawiradooda iyo boorar ay ku qoranyihiin hal ku dhigyo sidoo kale waxay isticmaalaan baalayaasha wadooyinka caanka ah, Isgoysyada muhiimka ah, iyo taalada KM-4.

Musharaxiinta u taagan waxaa la leeyahay waxay kor u dhaafayaan 40 ruuux kuwaas oo isugu jira dad aqoon leh iyo kuow aanan laheyn, kuwo hami siyaasadeed oo xoog ah leh iyo qaar raba hadafkoodu yahay halagaa sheego oo taariikhda hakuu gasho in aad mar noqoatay musharax madaxweyne.

Shalay gudiga doorashada waxay sheegeen in musharaxiin ka badan 30 ay qaateen foomamka ay dhiganyihiin shuruurdaha, balse ay tiro aad u yar kasoo jawaabeen oo ay ka gudbeen shuruudihi laga rabay.

Hadaba iyada oo ay 5 maalin ka harsantahay waqtiga loo balamay in ay dhacdo doorashada madaxweynaha ayaa waxaa magaalada laga dareemayaa zaxmad siyaasadeed iyo loolan ka jira baarlamaanka.

Inkastoo aysan ka marneyn fara gelin siyaasadeed oo dibada ah, hadana dadka lafa gura siyaasada waxay leeyihiin qofki qanciya xildhibaanada baarlamaanka mid maadi ah iyo mid maskaxeedba waxa uu u dhawyahay inuu kusoo baxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dowlada cusub ee la filayo ayaa noqon doonto mid yeelan doonto magaca Dowlada Federaaliga Soomaaliya, halka tii hore ay aheyd Dowlada KMG Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here