WARBIXIN: Shacabka Muqdisho oo 25-sano kaddib loo maleegay masiibo gacan ku sameys ah

Muqdisho
Muqdisho

Shacabka Muqdisho kuwoodii ka haray dagaallada wejiyada badan iyo qaraxyada soo taxnaa mudada 25-ka sano ayaa waxay cagta saarayaan mowjado kale oo ka khatarsan kuwii hore, kaddib markii muddo 24-saac gudaheed mar kaliya dab la qabadsiiyay labada Isbitaal ee inta badan lagu daweeyo bukaanada kala duwan oo laga keeno gobolada dalka iyo caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

Weerarka halka mar lagu qaaday labada Isbitaal ee Banaadir iyo Madiina isla markaana lagu gubay bakhaarro ay ku jireen ilaa 30-Ton oo daawooyin ah iyo qeybaha qalliinka oo ah qeybaha ugu muhiimsan goobaha caafimaadka kama marna in falalkaan ay ka dambeeyaan kooxo isku baheystay cadowtinimo fogaatay.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in saakay aroornimadii hore uu dab ka kacay qeybta qalliinka oo ay jiiftay ilaa lix ruux, isagoona sheegay in dabkaasi ay ku guuleysteen damintiisa, waana markii ugu horeysay muddo 25-sano ah kaddib oo ay soo wajahdo dhacdadaan.

Hadalka Agaasimaha ayaa ku soo beegmaya kahor muddo toban saac aan ka badneyn oo dab la qabadsiiyay bakhaarada isbitaalka Banaadir halkaasi ay ku bas beeshay in ka badan 30-Ton oo daawooyin kala duwan ahaa.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay falalkaasi, iyadoo wararka intooda badan laga tebinayo ay yihiin kuwo dhici kara lagu soo koobay in dabku ka dhashay korontada ku jirta meelaha uu dabku ka kacay.

Kooxda aan muuqan ee ka dambeysay falalkii xalay iyo saakay ay ka sameeyeen goobaha caafimaadka ayaa noqoneysa kooxdii labaad oo ka shidaal qaadaneysa kuwii weerari jiray hay’adaha samafalka iyo gurmadka caafimaadka caalamiga ah, kuwaasi oo aan iyagu ku guuleysan hamigoodii ahaa in Muqdisho laga waayo hal cirbad oo dhiig joojin ah.

Inkasta oo weeraraya goobaha caafimaadka ay ku guuleysteen in xaalado caafimaad xumo la il darnaadaan qoysas danyar ah oo isugu jira barakacayaal iyo kuwo sabool ah, kaddib markii ay albaabada u laabeen boqolaal xarun oo ay ka qaadan jireen dawooyin la’aan ah oo tayo leh.

Labadaan Isbitaal ee ugu muhiimsan xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa qasaaraha ka dhashay dabka ka kacay wuxuu baabi’iyay daawooyin ku filnaa muddo sanad ka badan sida ay sheegeen dhaqaatiirta oo durba dalbanaya dawooyin iyo qalab caafimaad.

Waxaa Diyaariyay:

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

jabriil37@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here