Cod & Sawiro:DFS oo maanta si rasmi ah ula wareegtay Koontaroolka hawada dalka

Saraakiil ka socotay QM iyo doowlada Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ku saabsan sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa maamulka duulimaadyada hawada Soomaaliya.

Saraakiil ka socotay Ururka maamula hawada Soomaaliya oo fadhigoodu yahay Nairobi, hay’ada UNDP iyo hay’ado kale, ayaa kulan la qaatay wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi.

C/laahi Ciil-mooge, ayaa sheegay in doowlada Soomaaliya ay bilaawday soo wareejinta maamulka hawada oo dhawaana taas ay dhici doonto.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge oo la hadlay Raadiyaha dowlada ayaa sheegay  iney ka go’an tahay dowlada Soomaaliya sidii ay dib ugula wareegi lahayd maamulka hawada Soomaaliya.

Halkaan ka dhagayso Codka wasiirka:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/Ciil-mooge-11.mp3″]

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dalka ay ka jirto dowlad federaal ah oo aan kumeelgaar ahayn taasoo awood u leh hanashada maamulka hawada Soomaaliya saidaas darteedne ay u xusul duubayaan sidii ay kula wareegi lahaayeen maamulka hawada dalka Soomaaliya oo ay gacanta ku haysay Kenya  22-kii sano ee dalku dowlad la’aanta ahaa.

garoommada Muqdisho iyo Nairobi ay haatan si wadajir ah uga wadashaqeynayaan maamulka hawada Somalia, iyadoo wixii hadda ka danbeeyana dowladda Somalia wax laga weydiin doono ogolaanshaha duulimaadyada hawadeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here