Warbixin & Sawiro: Weerar lagu Qaadey Villa Somalia

672x378x551.jpg.pagespeed.ic.sLXFLvDhFQDhowr qof ayaa ku dhintey weerar maanta ay rag hubeysan ku qaadeen xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud ayaa lagu soo waramayaa inuu bed qabo isla markaana aanu waxba ka soo gaarin weerarkaasi.

Goobjoogeyaal ayaa sheegayaa in weerarku ka bilowdey gaari laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa, kadibna ay rag hubeysan isku dayeen inay gudaha u galaan dhismaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee madaxtooyada.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa sheegay inay xaaladda caadi ku soo noqotay kaddib weerarkii Al-Shabaab ee madaxtooyada.

Waxaa uu sheegay inay dileen 7 ka mid ah dadkii weerarka gaystay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa badanaa ku tukan jiray Salaadda Jimcaha masaajidka, balse masuuliyin ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay uusan ku sugnayn isla markaana uu nabad qabo.

Maleeshiyo hubeysan oo loo maleynaayo in ay ka tirsan yihin kooxda al-Shabaab ayaa fuliyey weerarka, waxaana albaabka hore ee madaxtooyada ee xigga dhinaca waddada 15-may ay ku qarxiyeen gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo ay albaabka ku furteen deetana iska hor imaad culus dhexmaray Ciidamada Dowladd iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka Amniga ee Dowladda Federaalka C/kariim Xuseen Guuleed oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda gaar ahaan kuwa ilaalada Madaxtooyada ay iska caabin xoogan ku sameeyeen kooxdii hubeysnayd soo weerartay madaxtooyada.

Wuxuu intaas ku daray in ay qaarkood dileen halka kuwa kale nolol lagu qabtay, Wasiirka ayaa beeniyay in wax masuul ka tirsan Dowladda Federaalka uu wax ku noqday balse uu tibaaxay in Saraakil iyo askari ay wax ku noqdeen.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah Agaasimihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamuud Xirsi Cabdulle oo ku sugnaa masaajidka iyo Taliye kuxigenkii hore Nabadsugidda Gen.Nuur Shirbow.

Xarunta Madaxtooyada ayey maanta si weyn u difaaceen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee halkaasi ku sugnaa xilliga lasoo weerarayay, balse waxaa iswaydiin mudan sida maleeshiyada ugu surtagashay in ay soo weeraraan meel si aad ah amaankeeda loo ilaaliyo.

Waa weerarkii ugu cuslaa mudo sanado ah lagu qaado madaxtooyada Villa Soomaaliya mudo sanado ah, waxaana ay kusoo aadaysa xilli amaanka magaalada Muqdisho mudooyinkaan faraha kasii baxaysay oo xilliyada habeenkii ay ka dhacaan weeraro madaafiic iyo hoobiyeyaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here