Warbixin & Sawiro: Saldhiga Milatari uu Turkiga ka furanayo Muqdisho oo gabo-gabo ku dhow

1279Sida uu daabacay wargeyska Dailysabah, waxaa heer gabo-gabo ah soo gaaray saldhiga milateri ee uu Turkiga ka dhisanayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan duleedka magaalada Muqdisho.

Saldhigaan Milatari ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee uu Turkiga ka dhisto Qaarada Afrika, waxaana lagu tababari doonaa Ciidamada Soomaaliya.

Saldhiggan ayaa marti-gellin doona saraakiil Turki ah oo sida la sheegay dhanka tababarrada ka caawinaya ciidammada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

14484625_932286350208702_1813232552646240706_nSida la ogaaday, maamulka Erdogan ayaa muddo fog ka shaqeynayay qorshahan oo la shaacin doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qaramada midoobay ayaa ansixisay oo oggolaatay in Turkigu uu galaan-gal muuqdo oo dhanka milateriga ah ku yeesho dalka lagu hardamo ee Soomaaliya, iyadoo ay jirto in maamulka Erdogan uu xiriir qoto-dheer la leeyahay dowladda federaalka iyo xitaa maamul goboleedyada dalka.

Turkiga ayaa bishii April ee sanadkan sal-dhiggiisii ugu horreeyay ee dibadda ah ka furtay dalka aadka u yar balse lacagta hodanka ku ah ee Qadar.

Saraakiil tababar oo lagu qiyaasay laba boqol”200″ ayaa wejiga kowaad gaaraya caasimadda, kuwaasoo carbin doona ciidamo Soomaali ah oo gaaraya toban kun iyo shan boqol “10,500”.

Turkiga ayaa caawinaad milateri iyo mid dhaqaalleba siinayay Soomaaliya in ka badan shan sano, waxuuna xiriir joogta ah la lahaa dowladdii Shiikh Shariif iyo middan hadda jirta ee Xassan Shiikh Maxamuud.

Recep Tayyip Erdoğan ayaa labo jeer teggay Soomaaliya labo sano gudahood,waxaana xusid mudan in dowladdiisu ay qeybo ka mid ah dalka ka fulisay mashaariic hormarineed iyo mid gar-gaarba.

420Shaki la’aan, Turkigu waxaa uu saameyn xoggan oo dhan waliba ah ku leeyahay siyaasadda caalamka,waxaana lagu tilmaamaa hoggaamiyaha xilligan ugu awoodda roon dalalka Islaamka.

War-sidaha Dailysabah, ayaa soo xiganaya, in dowladda Turkiga ay Soomaaliya u arragto saaxiib dhow, sidaas darteedna ay dadaal dhan waliba ah ku bixin doonto sidii loo xoojin lahaa ammaanka guud ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here