Warbixin: Maxaa kasoo baxay shirki xalay dhex maray madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka

Waxaa xalay xarunta madaxtooyada Villa Somalia kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya  iyo afhayeenka baarlamaanka

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen, waxa uu ka dhacay guriga madaxwyenaha waxaana ay diirada ku saareen qilaafka baarlamaanka oo hada marayo meel sare kadib marki uu baarlamaanka laba u kala jabay.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw gudoomiyaha baarlamaanka ayaa u sheegay Midnimo.com in kulanka uu kusoo dhamaaday jawi is fahan leh balse aanan la ogaan karib waxyaabaha ay isla meel dhigeen.

Labadaan mas,uul ayaa lagu wadaa in maanta ay warbixin siiyaan wafdi caalami ah oo ka socdo beesha caalamka oo kusoo wajan magaalada Muqdisho, waxa ay u dul mari doonaan xaalada iyo afkaarta ay kala qabaan.

Kulanki xalayna waxa labadaan mas,uul uu u ahaa muhiim si ay u kala aqristaan afkaartooda iyo mawaaqiftooda siyaasadeed ee xiligaan.

Madaxweyne Shariif ayaa lagu xamanayaa inuu lug ku leeyahay kacdoonka siyaasadeed ee ka dhanka ah gudoomiyaha baarlamaanka kaasi oo ay 13-ki bishaan mudanayaal ka tirsan baarlamaanka xilka uga qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaano taageersan Shariif Xasan oo ay ka mid tahay Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku eedeeysay madaxweynaha inuu lug ku leeyahay oo uu wax ka ogyahay cariiriga lagu hayo gudoomiyaha baarlamaanka iyo xil ka qaadisti lagu sameeyey.

Laakin madaxweynaha ayaa hadal uu dhamaadki todobaadki hore soo saaray ku sheegay in uu xunyahay waxa socdo isla markaana hada la wado baaritaano lagu ogaanayo cida ka danbeyso iyo sida ay wax u jiraan.

Gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya Sharif Xasan Sheekh Aadan oo shalay kusoo laabtay dalka waxaa garoonka uga hor tagay oo si weyn usoo dhaweeyey xildhibaanada taageersan.

Shariifka oo soo gaabiyey booqasho uu ku joogay dalka Talyaaniga, ayaa diiday xil ka qaadisti lagu sameeyey waxaana uu ku tilmaamay arrin boro bagaanda ah oo wax loogu dhimayo roadmap-ka.

Dadka falan qeeya siyaasada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xaaladaan hada ka taagan dalka ay keeni karto qalalaaso siyaasadeed oo aad u daran oo uu mar kale ay dowlada KMG cagaha la gasho.

Si kastaba ha ahaatee lama oga halka ay u biya shuban doonto xaalada cakiran ee hada ka taagan dowlada KMG Soomaaliya iyo baarlamaankeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.