(Warbixin): Maxaa ka jira in xildhibaanada baarlamaanka ay ku kacsanyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar badan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka in ay aad ugu kacsanyihiin madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo ay dad badan ku eedeeyaan inuu yahay shaqsi qabow oo anan la ogaan karin go,aanada uu qaadanayo, ayey xildhibaano badan ku kaceen marki uu uga baxay balamo uu ka qaaday inti uu socday ololihi doorashada.

Xildhibaanada qaar ee ku kacsan waxa ay ahaayeen dadki sida aadka ah ugu soo ololeeyey ee codadkana siiyey, waxyaabaha la isku heystana wali ma cada laakin waxay u badan yihiin arrimaha siyaasada haba ugu badnaadeen Ra’isulwasaaraha.

Waxa kale oo la sheegayaa in shaqaalaha iyo lataliyaasha madaxweynaha ee cusub in aysan u qalmin halka uu isku dayey inuu Ra’isulwasaare usoo magacaabo nin ay saaxibo ahaayeen oo ay kasoo wada shaqeyeen Machadka SIMAD.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa fahansan jalaafada uga soo socoto xagaas iyo baarlamaanka oo noqon karta in baarlamaanka uu ku celiyo Ra’isulwasaaraha soo socdo si madaxweynaha uu u mashquulo halisna ay u gasho jagadiisa.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw madaxweynaha ayaa sheegaya in uu doonayo in uu xilka Ra’isulwasaaraha u magacaabo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadii uu keeno baarlamaanka isku dayi karin inuu taako saaro, sababtoo ah shacabka ayaa aad u taageersan.

Farmaajo maalmahani dhowr jeer ayey kulmeen Ra’isulwasaaraha, waana ninka loo saadaalinayo inuu xilkaasi ka bixi karo waqtigan adag ee kala guurka ah.

Muqidsho waxa kale oo jooga siyaasiyin badan oo xilkaasi doonaya, iyadoo shalaydi ugu danbeeysay uu magaalada soo gaaray siyaasiga kasoo jeedo Puntland ee Cali Cabdi Awaare.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

4 COMMENTS

  1. waryaa adiga been sheegaya oona kaso horjeedid in shacbiga rer muqdisho ku hogaamiyaan marka waxan ku leeyahay waanu dooraneyna waana rabna dhamanten mantana somalia waxey jogta maamulada jira xili ay tageero uga baahnen marka cago dhigta ayaan ku leeyahay adiga iyo dadka kula fikirka ah wan ku hogaamineyna wana ku hogaamin doona.

  2. soomaali ma daasho oo qqb darro kam dasho.Ninkaan Ameerika iska fadhiyey 30KA sanno ayey waxaay leeyihiin shacabka ayaa raba. Shacabka yaa weeydiinaya hadda waxa aay rabaan.Shacabka hadii loo deeyn lahaa waxaa aay dooran lahaayeen nin la joogay 20 kii sanno oo u naxa -laakin mid jaakada uu wato aan iska siibeeynin xitaa marka shaqo nadaafadeed loogu yeero-hore noo dhaafiya.

  3. Ninka qorey arintan been ayuu sheegey, shacab baa raba Farmaajo, madaxweynaad u dooran laheydeen haduu shacab rabo
    shacabkana ma ahan inta joogta xamar, Farmaajo 6 bilood ayuu hayey xukunka wuxuu eedeeyey wuxuu edeeyey aduunkii oo dhan iyo maamuladii jirey, waana wuxuu ku kashimey, dadka muqdisho oo aan nabada rabin caqligoodana yahey in waxlaayaan nidaamkasta oo yimaadana ka horyimaadaan, in aan soomalia talaabo qaadin dhibkaa isaga jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here