Warbixin: Maxaa ka jira in la xiray Xasan Daahir Aweys

Waxaa isa soo taraya war shalay iyo maanta la isla dhax marayey magaalada Muqdisho kaasi oo sheegaya in ay Al Shabab xireen Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir oo ka mid ah hogaanka ugu sareeya Al Shabab ayaa la sheegayaa in shalay laga soo xiray beerta Cali Mahdi ee duleedka deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Dhexe xilli uu halkaasi ku nasanayey.

Warar kale ayaa sheegaya in uu xiligaasi shir kula lahaa beerta dhexdeeda odayaal iyo waxgarad aanan la carabaabin.

Lama oga halka la geeyey iyo cida amartay in lasoo xiro, sidoo kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxya Al Shabab oo xaqiijinaya xariga wadaadka ama beeninanaya.

Laakin waxaa loo maleynayaa in uu salka ku hayo xariga wadaadka mintidka ah ciidamo la sheegay in ay ahaayeen ilaaladiisa gaarka ah oo shalay isu soo dhiibay ciidamada dowlada ee difaaca uga jira deegaanka Xoosh ee degmada Dharkeenleey.

Ciidankaasi oo ku qalabeysnaa 5 baabuur oo kuwa dagaalka ah ayaa gaaraya 150 waxaana soo goosashadooda kadib soo daba galay ciidamo ka tirsan Al Shabab oo ay rasaas isku weydaarsadeen inta u dhaxeysa Xoosh iyo deegaanka Kax Shiiqaal.

Saraakiisha ciidanka dowlada ayaanan wali ka hadlin ciidamada shalay kaga soo biiray dhinaca Al Shabab.

Waxaa maalmihi lasoo dhaafay jiray shaki ay Al Shabab ka qabeen Xasan Daahir Aweys oo lagu tiriyo aaminsan mabaadi’da dowladnimada.

Dhawaan war kasoo baxay dowlada Talyaaniga oo uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya wuxuu ku sheegay in Xasan Daahir uu yahay nin ka dabacsan hogaanka kale ee Al Shabab isla markaana ay ku weyntahay Soomaalinimada.

Wixii soo kordho kal soco bogga Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Beeeenta faafinteeda ka waantooba lacnad Allah yay idin haleenin awalbaa dulli ahaydeen aad u joogtaan raalinta cadowga Allah iyo muslimiinta, dacaayadaha beenta wax uma dhimaayo nin u dhimanaayo Allah dartiisa oo u taagan difaaca diina Ilaahay ayaa u hiilinaayo ninka diinta Allah u taagan

Comments are closed.