{Warbixin} Kufsiga oo kusoo badanaya Xeryaha barakacayaasha Muqdisho

Telefeshinka Al-ajaziira ee ku yaal dalka Qadar, oo warbixin kadiyaariyay xaalada haweenka barakacayaasha ah eek u nool xeryaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xadgudubyo joogta ah loo gaysto haweenkaas.

Wariye katirsan TV-ga oo Muqdisho yimid booqdayna qaar kamid ah xeryaha barakacayaasha ay daganyihiin in haweenka si ulakac loogu kufsado xeryaha gudahooda, taasoo ay lug ku leeyihiin sida uu sheegay TV-ga rag katirsan Ciidanka Doowlada.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa si joogta ah ula kulma Xad gudubyo xaga Jinsiga ah, iyadoona xeryaha habeenkii ugu galaan rag hubeysan oo doowlada katirsan, kuwaasoo qabsada ama kufsada, waana arin joogto ka noqotay xeryaha barakacayaasha Muqdisho ka daganyihiin.

Wariyaha warbixintaan diyaariyay ayaa lakulmay qaar katirsan hawenka lagu kufsaday Xeryaha Muqdisho, waxaana kamid ah haweeneey lagu magacaabo Nuuro Xirsi, oo 27 sano jir ah.

Nuuro waxay dagantahay Xero barakace oo ku taal agagaarka “Tarabuunka” ee degmada Hodon, waana haweeneey uu saygeeda ku dhintay dagaalada Muqdisho kadhacay, waxaana Tv-ga ay uga sheekeeysay sida ay wax ugu dhaceen iyada, markii 7 nin oo kamid ah Ciidanka doowlada ay kufsadeen xili habeen ah.

“Waxay ahayd xili habeen ah, abaare 7:00, caruurteydana wey jiifeen, waxaa iisoo galay 7 nin oo ku hubeysan qoryaha AK47, waxaana ay xirnaayen dharka Ciidamada, way ii soo galeen idharbaaxyeeyeen iguna amreen inaan guriga banaanka uga baxo kadibna waa ay I kufsadeen, wax walbo ayay igu sameeyeen iskamana celin Karin, lamana dagaalami Karin, sideen ula dagaalamaa 7 rag ah oo hubeysan” ayay tiri Nuura oo lahadleeysay telefeshinka warkan diyaariyay ee Al-jaziira.

Dhacdadan ayaa dhacday maalin Sabti ah oo bisha Decemberna ay ku beegneyd 29 2012.

Nuuro oo hadalkeeda sii wadato ayaa tiri “Cidna iima soo gurman intii lay kufsanayay, qof walbo nafteeda ayay u cabsaneeysay” nuuro waa sii hadashay oo waxay tiri: “markii ay iga tageen waan iska ooyay, waaga markuu beryayna waxaan tagay Isbitaal, xoogaay daawo ah ayayna isiiyeen, laakiin wixii igu wada dhacay oo dhan umaan sheegin, waayo Soomaali ayaynu nahay mana dooneeyno in dadku ay na ogaadaan waxa nagu dhaca”.

Nuuro waxay xustay ineey Booliska u dacwootay, hase ahaatee aan la danayn waxa ay sheegtay.

“Muqdisho waxaa lagu dilaa dadka aniguna madhiman, kufsigana sidaa looma weeyneeyo” ayay tiri Nuuro.

Majirto cid loo soo qabtay ama loo xiray Kiiska gabadhaan, waxaana jira dumar badan oo dhibkaan oo kale la wadaaga.

Hay’adaha walaalaha dumarka Soomaaliyeed hay’ad layiraahdo oo kamid ah hay’adaha udooda xuquuqda dumarka ayaa sheegtay in sanadihii danbe ay aad u korortay dumarka Muqdisho lagu kufsado.

Aas aasaha hay’adaan oo layiraahdo Fartuun C/salaam Aadan ayaa usheegtay Tlefeshinka Al-jaziira in sanidihii ay danbe ay jireen xadgudubyo lagula kaco dumarka kunool xeryaha barakacayaasha, waxaana intaas ay ku dartay in xafiiskooda Muqdisho todobaad walbo uu diiwaangaliyo ugu yaraan 7 kiis oo dumar la kufsaday ah.

Doowlada Cusub ee Soomaaliya waxay sheegtay in dhacdooyinkaan ay yihiin kuwo ku dhaca si qarsoodi ah oo aysan waxbo ka ogeen.

Agaasimaha guud ee shaqada iyo dhalinyarada Isboortiga Aweys Xadaad oo lahadlay TV-ga Al-jaziira ayaa sheegay in doowlada ay qaadeeyso tallaabooyin dagdag ah oo arintaan looga hortagaayo, laakiin aweys xadaad waxa uu beeniyay in Ciidamada doowlada ay kufsui ugaystaan dumarka, waxaana uu xusay in dharka Ciidamada cidwalbo haatan xirato, taasna micnaheedu ahayn in Ciidamada doowlada eeda dusha laga wada saaro.

“Dad badan ayaa awood uleh ineey helaan dharka Ciidamada, si ay siaga dhigaan Ciidamada booliska ama kuwa Milatariga, waxaana cadaynayaa in Ciidamadas aysan katirsaneen doowlada, falalka nuucaas oo kale ahna waxaa lagu yaqaanaa Al-shabaab” ayuu yiri agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga.

Dhowr jeer ayay soo baxeen wararka sheegaya in dumarka Soomaaliyeed lagu kufsado xeryaha gudahooda, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo arintaasna aysan jirin Cid wali wax kaqabatay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here