Warbixin ku saabsan eedeyn lacago looga gurto Ardayda Jaamacadda ZAMZAM ee Muqdisho

Jaamacada Zamzam ee Science-ka iyo Technolog-yada faraceeda magaalada Muqdisho ayaa ardayda wax ka barta waxay ka cabanayaan lacagaha ay ku bixiyaan waxbarashada, kadib markii ay ogaadeen in hay’ad Turki ah oo maalgeliso Jaamacadda Zamzam hadafkeeduna yahay in si bilaash ah lagu soo saaro arday Soomaaliyeed..

Fikret Güler
Fikret Güler

Sida uu Warfaafiye.com u sheegay mid ka mid ah ardayda wax ka barta Jaamacadda oo diiday in magaciisa la faafiyo ayaa sheegay in madaxa jaamacadda Zamzam University, Fikret Güler uu yahay maskaxda ka danbeysay in lacag laga dhigo Jaamacadda oo arday tiradooda gaareysa 270 ay wax ka bartaan, kuwaasi oo isugu jira kuwo barta beeraha iyo caafimaadka

Hay’adda Turkish foundation iyo IHH ayaa ugu talagashay in ardayda ay wax ku bartaan lacag la’aan, hase ahaatee 270-ka arday ee dhigta laga qaado lacag dhan ardaygii barta caafimaadka bishii 80, halka sanadkii ay noqoneyso 960 dollar, sidoo kale ardaygii barta beeraha sanadkii uu bixiyo 600 dollar.

Lama oga in arintaan dhaqaalaha looga qaado ardayda ay la socoto hay’adda Turkish foundation (IHH) ee ardayda Soomaalida ugu talagashay in lacag la’aan ay ku bartaan.

Hay’adda Turkish foundation iyo IHH ayaa dalal kale oo Afrika ku yaal waxay ka taageertaa ardayda dhigta jaamacaddaha in si bilaash ah wax ugu bartaan.

Waxaa dhawaan idiin soo gudbin doonaa warbixino kale oo muujinaaya caddeymo dheeri ah oo ku saabsan Hay’adda Turkish foundation iyo IHH in ay taageerto jaamacadda Zamzam ee Muqdisho iyo jaamacado kale oo ku yaal dalalka kale ee Afrika.

Xigasho: Warfaafiye.com

W/qoray: Cali Muxiyaddiin

Email: muxiyaddiin@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here